Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

Ku Soo Dhawaada Website-ka Hassan Sidow Ibrahim Maxamed

Qeybta Caafimaadka Guurka Wanaagsan Arimaha Bulshada Diini  Maah Maahyo Sheekooyin Jaceyl Geeraaro  Fareemo Jacayl Talo Siin Jaceyl Qisooyin Jaceyl Xanuun Badan Calaa'cal Jacayl Backgrounds Naqshado Cilaan Saar Kororso Aqoontaada Ahmiyada Cibaadada Salaadda FLOWERS  Dhacdooyinka  Caafimaad Qeybtii 2 aad Qisooyin Jaceyl Q.2aad

CAAFIMAAD

Casharka Adminka Consolka


Madoonaysaaa inaad xanuunsan alle idinkii.

Intaan u guda gelin waxaan ka horeysiinayaa hordhac yar:

Ugu horeynta waxaan ka codsanayaa dadka doonaya inay aqristaan inay ugu horeenta dulqaataan eena ka daalin maxaa yeeley Faa'idooyin badan ayaa ku jira waxa hoosta ku qoran hana ka raali ahaadaan hadii ay fahmi waayaan Afsoomaaliga qaarkii hana soo waydiiyaan waa loo caddeen doonaa insha alaahu.

Tan labaad Waxa aan hoos kusheegi doono insha alaahu waan soo koobkoobay maxaa yeelay dadka badanaa majecla waxa dhaadheer marka waxaan ku dadaalay inaan soo koobkoobo oona qofkana uu fahmo insha alaahu anigoo kasoo guuriyey kutubta ama buuugaagta lagu kalsoonyahay iyo Culimadaba ku Takhusustay Cilmigan. waxaan kuusheegi doonaa waxa aad fahmi doonto oona garanaysid waxay ay yihiin wixii aad garanwaydo ama ka shakido iska daay.koleyba waxaan aan kuusheegi doono wax ku dhibaayo ma ahan hadii aad isticmaasho insha alaahu sida daawooyinka iyo irbadaha oo lagu xanuunsanaayo ama dhib kuu keenayo hadii aad isticmaasho wax kuu tariwaayo kuwan hadii aad isticmaasho faa'ido mooyee dhib aan kaa soo gaaraynin.

marka insha allaahu Seddex qeebood ayaan uqaadaynaa :

1- Waxyaaba Xoojiya ka hortaga difaaca jirka.

2- Dhoor cudur oon sheegi doono insha alaahu daawadiisa wax aad garanaysid oo dibiici ah oo kiimiko leheen oo dhibaato kuu keenaynin marwaliba xitaa mustaqbalka.

3- Quruxda waxa kuu kordhinaya oona kuu ilaalinaayo wallow 120jir aad ahaatid.


Qofka marka hore difaaciisa waxaa ugu horeeya ilaalinta ale hadii aad Alle ilaaliso isagaa wax walba kaa ilaalinaayo marka ilaalinta alena waa inaaad ilaaliso wixii ale ku amaray la timaado wixii kaa reebay ka harta.

Ku dadaal nadaafada jirkaaga oo dhoor shay ah:

1: Wayso: qofka markasta waxaa laga doonaayaa inuu wayso qabo marka kasta wuxuu ka badbaayaa dhibaatada shaydaanka iyo waxyeeleentiisa qof wayso qaba Alle wuu kabadbadinayaa Sixir iyo Jin iyo wixii la mid ah, markasta ku dadaal inaad wayso qabto.

2: Qubayska qofka markasta waxaa wanaagsan inuu qubaysto weliba hadii laheli karo Biyo kulul qubayska jirkaaga nadaafadiisa, iyo Udeegba.

3: Cadayga ama Rumiga: waa nadaafada ilkahaaga raali gelinta Alle.

4: inaad iska jarto sida: Timaha Kilkilaha iyo timada hoose Cidiyaha shaarbaha iyo wixii lamid ah Nabiga(scw) amray in lasameeyo.

5: ku dadaal adkaarta ama xuska la aqriyo subaxii iyo galabtii iyo markii aad seexanayso Habeenkii iyo markii musqusha ama suuliga galeyso iyo xuska kale uu Nabiga scw amray in la aqriyo.


Waxayaaba xoojiya difaaca jirka ka hortaga cudarada:

1: inuu qofka isticmaalo Khudaarta fareeshka ah wax tarka leh sida Tufaaxa Karootada Muuzka iyo wixi lamid ah inuu ka fogaado waxaabaha dufanta leh subaga Saliida iyo wixii lamid ah laakin Saliid Zaytuunka ayaa aad ufiican qofka inuu isticmaalo waa caafimaad inuu markasta raashiinka ku sameysto.

2: inuu isticmaalo caanaha lo'da ama Geela iyo wixii laga soo saaro subaga aan ku jirin.

3: inuu isticmaalo Malabka intuu Kari karo uu qaadankaro.

4: inuu ku darsado raashiinkiisa Tuunta (toonta) intuu kari karo iyo (xabadsowda) cuno miraheeda halQaado yar in la eg Saliideedana ku darsado shaaha ama qaxwada iyo wixii lamid ah ilaa 10 dhibcood, ha kabadsanin intaa dhibcood.

5: maalinkii inaad dhaqdhaqaaq sameyso socod ama orod ugu yaraan 1saac.

6: maalinkasta markii aad Qadeyso duhurkii inaad seexato 1saacadood ama 2saacadood

7: inaad ka fogaato Muragada iyo wixii lamid ah

8: inaad ka fogaato Mukhaadaraakda

Qofka wuxuu sameenkaraa oo kale wax yaabahan:

1: Orange ama Burtuqaalka ama liin macaanta "qofka inuu cuno maxaa yeelay burtuqaalka ama liin macaanta waa waxa ugu wayn ama ugu muhimsan jirka difaaciisa waxa xoojiya" marka waxaad sameyneysaa sidan :haaf am nus burtuqaal ama liin macaanta miir waxaad ku dartaa Lemon ama liimoon -waa liin dhanaata mid ka wayn oo huruud ah ama jaalo oo dhanaan marka Liin dhanaanta yar yar ma ahan sidaa ula soco- miir kadib isku dar iyada iyo liin macaantii kadibna weel ku shub waxaad ku dartaa Qaado Malah ah iyo Ukunta jaalaheeda intaa isku dar maalinkasta intaadan quraacanin nus saac ka hor cab ka dib quraaco.


Hadaa doonayso Xoog iyo Firfircooni:

Waxaad miirtaa hal Basal kadib ku dar yaanyo ama tamaandho Casiirkeeda kadib ku dar milix ama cusbo kadib cab, kadibna jirkaaga xoogiisa iyo firfircoonidiisa ayaad heleysaa.

ama waxaad sameysaa oo cabtaa hal koob Casiirka Canabka maalinkii 3jeer markii aad raashinka qaadanaysid nashaad ayaad heleysaa iyo xoog badan.

ama waxaad cuntaa maalinkasta hal xabo oo tufaax ah waxkasta way hagaagi jirkaaga.

Ama cun 7 xabo oo Timir ah sixir iyo sun kasta Mas iyo wixii lamid ah ama Sun Raashiinka mid laguu qariyey waad ka badbaadi insha alahu sida Nabiga scw uusheegay xadiith saxiix ah.

Qeebta labaad

Qeebtaan waxaan isku dayayeynaa insha alaahu inaan ka hadalno dhoor Cudur daawadiisa oo dabiica ah oo aad garanaysid daawadiisa wixii aad garan waydo iska day.

Teedi kale inta aan kuusheego qiyaasta inaad ku dadaasho weeye maxaa yeelay qiyaas la'aanta waa dhibaato tusaale ahaan hadii aad Raashiin si xad dhaaf ah aad u cunto kawaran soo kuma xanuunsanaysid? Haa weeye jawaabta marka iska ilaali sideedaba qiyaasta la'aanta.

Waxaan guda gelaynaa mawduuca anagoo ka bilaabayna:

Dhiiga kor ukaca. laba tilamaam tii kuu fudud waad sameenkartaa hana isku darin labadooda mid uun sameey, tan ugu horeysa:

Inaad markasta aad sharaab kulul cabaysida sida Shaaha ama Qaxwada iyo wixii lamid ah inaad ku darsato Saliida Xabatsuuda 7dhibcood illaa 10dhibcood intaa haka badin.

tilmaamta kale waa inaad sida shaaha oo kale inad u cabto Zacfaraanka, sida shaaha oo kale inaad ukariso kadibna sonkor ku darsato ood cabto markasta waxaad heleysaa in uudhiiga dajiyo qofka oo Faxfax noqda farxad xasuustaada Romatiisamka xanuunada qabowta Ragnimada dareemaha intaas oo iyo inkale ayaad haleysaa insha alaahu.

Dhiiga yaraanta: waxaa lagu gartaa dhiig yaraanta dhoor shay: qofka inuu dareemo: Daal badan iyo dhib, madax xanuun joogta ah, Hoosha inuu sifiican uqabsankarin uu kacaajisaayo hool dhan, markuu soconaayo inuu dareemo daal socodkiisa, Midabka isbadala, timaha daata .

Daawada laba tilmaam ayaad sameyna kartaa midood:

1- waxaad cuntaa Tufaaxa ama cab sharaabka Tufaaxa oon alkool laheen maalinkasta.

2- tilmaamta kale :Malabka ka cun in badan maalinkasta Malbaka waxa ku jiro Vitaminooyin aad ubadan:VITAMINS: B1,B2,B3,B4,B5,B6,B7,B8,B9,B10,B12, D,K,H iyo kuwa kale oo aad ubadan .

Cholesterol waxaa laga wadaa: maado laga helo unugyada jirka oo caawisa badashada baruurta kadibna xerta halbawlayaasha dhiiga. sida aad ogtihiin wuxuu kubadanyahay Carabta iyo USA marka waxaan kuusheegayaa daawada insha alaahu hadii Alle daawo kudaro

Daawada shiiqinaysa ama shuuqinaysa baruurtaa laba tilmaam ayaan sheegaynaa

Tan hore: laba xabo oo Toon -Tuun- ah in aad tunto-shiido- kadibna lagu darsado Salarka ama Ansalaatada maalinkasta inaad isticmaasho ood cunto, waa daawada ugu wanaagsan ood u isticmaasho baruurta qofka korta oona dhib kuu keenaynin tan. Sidaad ogtihiin daawooyinka iyo irbadaha kiimakadeeda qofka dhibaatooyin badan ayay leeyihiin, teedi kale dilaysa qofka dareemayaasha ragnimada Alle u abuuray maxaa yeelay daawooyinkaa waxay ka koobanyihiin inay qofka Abateedka ka xerto lana dhaho waxaa ha cunin waxaa ha sameynin iyo wixii lamid ah.

Tilmaamta labaad: in uu qofka cuno hal xabo Toon -Tuun- la jarjaray kadibna lagu cabo koob caano ah oo lagu daray hal Qaado oo Malab ah maaalinkasta insha alahu caafimad ayaad helaysaa hadii sidaa aad yeesho.

Kansarka daawadiisa waa: Saliida Xabaasuuda jirka oo dhan kana ilaali Indhaha lamarmariyo maalinkii 3jeer iyo markasta aad raashiin cunayso aad raaciso Qaado Xabaasuuda latumay koob Casiirka Karootada ku dar cab waad joogtaynaysaa ilaa 3bilood inshaa allaahu daawo ayuu helayaa qofka xanuunsan hana joogteeye Quraanka iyo Ducooyinka.

Wadnaha Wadnaha waxaa xoojiya ama adkeeya difaaciisa: In qofka soo Qaado qolafta Rumaanka -qasharka - in lagu karkariyo Biyo ilaa 20daqiiqo kadibna koob lagu shubo kadbina lagu daro Qaado Malab ah maalinkasta caafimaad ayaad helaysaa insha allaahu.

Boodboodka Wadnaha ama gariirka Wadnaha iyo wixii lamid ah waxaad sameysaa: sharaabka kulul aad cabto ku darso maalinkasta Saliida Xabaasuuda insha alaahu caafimaad ayaa heli.

Cudurada Wadnaha dhamaantii iyo Wareega dhiiga Cudarada ku dhaca dhamaantii:

waxaad sameysaa: Malab ku darso Xabaasuuda oo la shiiday -la tumay- maalintii in badan ka Qaado tusaale ahaan Koobka Malabka ku dar Qaado Xabaasuuda shiidan maalinkii intaa isticmaal koobkaa insha alaahu caafimaad ayaad helaysaa kuna dadaal ducooyinka iyo quraanka.

Cudarada gala Indhaha. Qofka waxa ugu wanaagsan uu u isticmaalo cudarada Indhaha ku dhaca waxa waaye sidaan: Basal inuu shiido Casiir ka dhigo kadibna in la lamid ah oo Malab ku daro kadibna Habeenka markuu seexanaayo Indhaha hal dhibic iyo tankale hal dhibic ku siiyo, insha alaahu cudurkasta oo Indhaha ku dhaca haday tahay aragti la'aan ama indhihii ilmeenaya ama indhihii kalarkooda isbadalaaya iyo waxkasta oo ku dhaca Indhaha wuuka caafimaadayaa.

Teedi kale qofka hadii uu qaato Muraayado ama Ookiyaale indhihiisa oo daciifay waxaa tijaabo lagu ogaaday sida uusheegay sheikh C/majiid Azindaani in qofka Habeen walba haduu Indhaha ku dhibciyo hal dhibic oo Malab ah ilaa laba bilood inuu indhihiisa aragtidooda ay soo noqoyso insha alaahu tijaabo ayuu ku sameeyey nin oday ahaa oo Dorowal ahaa oo aad u diciifeen indhahiisa markii laba bilood uu isticmalay Malabkaa alxamdulilaahi uu soo noqtay awoodii Indhihiisa aragtideeda .

Ka hor taga Cudarada ku dhaca Indhaha: waxaad sameysaa inaad soo Qaado Afar xabo oo Toon ah lamiiro Casiir laga dhigo kadibna lagu daro Koob Malab ah oo saafi ah oo qashin laheen la isku walaaqo kadibna intaa uu cabo maalinkasta sidaa yeelo, waa ka hortag cudurada ku dhici lahaa Indhaha insha allaahu, Hadii aad maalinkasta sidaa yeesho.

Tilmaam kale: markii aad seexanayso waxaad sameysaa inaad soo Qaado Saliida Xabaasuuda aad mar mariso dhafoorada iyo godka ama lafta isha ka hooseysa iska ilaali inaad mariso ama ay gaarto isha gudaheeda maxaa yeelay Saliida Xabaasuuda waa kulushahay ka ilaali Indhaha kadib markii aad sidaa yeesho shaah ku darso 7dhibcood Saliida Xabaasuuda ama Karoota Casiir ah la shiiday 7dhibcood Saliida Xabaasuuda .

Xasaasiyada Indhaha :

Biyo dabka Saar kadibna Xabaasuuda ku dar markii ku karkaro biyahaa ku dhaq Indhaha markii yara qaboobaan.

Indhaha Ilmeynaya. Habeenkii markii aad seexaynayso ku dhibci Indhaha Saliida zaytuunka -Saliid zayt- oo saafi ah insha alaahu way istaagi doontaa Ilmada.


Xanuunada Dhagaha ku dhaca : Dhagaha dhexdooda oo dhawaaq ama Jiiqjiiq ka dhexyeeraaya : waxaad sameysaa 3Tilmaamood tii kuu fudud tan ugu horeeysa

1-dhagta ku dhibci Khalka laga sameeyey Canabka Habeenka markii aad seexanayso wuu joogsandoonaa insha alaaahu dhawaaqaa dhagta.

2-dhagta ku dhibci markii aad seexanayso Saliida Xabaasuuda.

3-markii aad seexanaysa waxaad sameysaa dabka saar weel kadibna Biyo kushub Malabna ku dar kadib Qaado soo Qaado ku walaaq Qiiqaas dhagta u dhig oo maro saaro wajiga sida qof Uumisanaayaa Fooxsanaayo ilaa 10 daqiiqo oo kale aad bay u fiicantahay tan insha alaahu caafimaad ayaad heli sida ugu dhaqsiyaha badan.

Qofka dhagaha beelay hadii alle ugu tala galay maqal, wuxuu sameeyaa sidaan:

1-Dhagta haku dhibciyo Saliida Khardalka markuu seexanaayo, dhaga beelka way ufiicantahay Saliidaan Khardalka qofka laga la,aanta ahaa insha alaahu wuu usoo noqonayaa maqalkood .

2- Habeenkii markuu seexanaayo haku dhibciyo Saliida laga sameeyey Lafta Qooqa, Qooqa waa miro la yaqaano oo Yaryar oo cas cas gudguduudan la cuno oo laf ku jirta gudihiisa marka laftaa ayaa Saliid laga sameeyaa Saliidaa weeye dhaga beelka ayay u fiicantahay.

Cudurada ku dhaca dumarka iyo Dhalmada.

Waxyaaba ugu wayn ee fududeeyo dhalmada waxa weeye in: Biyo lakarkariyo kadibna biyihii la karkariyey ku dar Qaado Malab iyo Baabuunaj geedka la yiraahdo waa afcaribi afsoomaali wax lagu yiraahdo magaranaayo ka eed Qaamuuska afcarabiga waad ka arki oo Biyo lagu karkariyo biyiihii ha cabto, teedi kale markasta sharaab kulul hadii ay cabayso Inanta uurka leh inay ku darsato Saliida Xabaasuuda si ay markasta ugu dhibtoonin geegeenta Dhakhraka iyo wax deg deg ah oo dhaca.

Tilmaam kale Biyo oo lagu karkariyo Xabaasuuda kadibna biyaha la cabo subixii iyo galabtii.

Xanuunada Caadada -dhiiga xaydka-.

Biyo lakarkarinayaa Xulbada kadibna biyahaa ayaa la cabayaa

teedi kale waxay sameynaysaa xulabada miraheeda ayey laba koob ama seddex koob ka cabaysaa maalinkasta insha alaahu xanuunada Caadada waa ka caafimaadaysaa Inanata hadii sidaa ay yeesho Xulbada waa Daawo aan dadka ogeen waxyaabo badan daawo ayey u tahay.

Jirrooyinka kale ku dhaca markii ay Caadada ku soo dhawdahay ama ay ku jirto.

tusaale ahaan Indhaha hoostooda oo madoobaada lafta ka hoose ee ay ku jirta Isha,Timaha oo daata iyo wixii lamid ah marka badanaa Inanata ayaa u sabab ah dhibkaa badanaa waxaa keena Nasasho la'aanta iyo si hagaagsan ama xilli go'an Raashiinka aysan qaadan tusaale ahaan quraacda maalin ay cunto 7 aroorta marna 10 mararka kalena ayba cunin quraacda ka tusaale Qaado Qadada iyo Cashada oo waqti go'an ay cunin.

teedi kale ayadoo isticmaalin Qudaarta waxtarka ah ama aqoon la'aan ay ka tahay inay qudaarta faa'idadeeda garanaynin ama ay ku andacoota inay ku Cayileyso!!! marka waxaan kuu sheegayaa hadii aad diidayso inaad buurato iska ilaali inaad raashinka iska dayso ama iska yareyso hadii sidaa aad yeesho waxaad oganaysaa inaad sii buuranaysid maxaa yeelay Alle jirka wuxuu ku abuuray Difaac xoogan iyo Tabar xoogan marka qofka markuu wax cunin uu Alle ugu talagalay in uu isticmaalo keedkaa jirkiisa ku jira tusaale ahaan Geela waad aragteen difaaca uu leeyahay bil ayuu ahaan karaa Biyo iyo baad la'aan, hadii qofka la oran lahaan jirkiisa wax difaac malahan ama keed wuu dhiman lahaa hadii uusan raashiin cunin, marka raashiinkaaga iska cun si dhex dhexaad ah sidii uu Alle iyo Nabigiisa ay sheegeen markii aad dhamaysato Raashiinka koob Biyo ah ku dar laba Qaado oo Khal ah kadibna cab ma buuranaysid insha alaahu ogow hadii aad raashiinka iska yareeyso jirkaaga ayay ka jaran tahay oo quruxda jirka Timahaaga ama maqaarkaaga ama wajigaaga iyo wixii lamid ah marka waxaa ku sheegi waxyaaba Khudaarta ah ee wax kuu taraysa insha alaahu, Khudaarta waxa tarta iyo fitamiinada ku jira laakin in yar baan kuusheegi.

waxa ugu horeeya ee Qudaarta waxa weeye ee wax kuu taraayo: 1-Tufaaxa wuxuu ka koobmaa: vitamin A,B,J, iyo Mawaad sukar dhibiici eh faa'idooyinka Tufaaxa waxaa ka mid ah:

wuxuu xoojinaya difaaca jirka. Beerka jirrooyinka ku dhaca, Oonka badan iyo Qandhada, qofka wuxuu ka ilaaliyaa Buurnida Bawaasiirka iyo cudarada ku dhaca Maqaarka baruurta iyo waxyaaba saa'idka ah ee jirka ku dhaca, xanuunada ku dhaca Kaada haysta , Caloosha fariisata, Romatiisamka Dhiig la'aanta Tabardarida iyo waxyaabo kale.

2- Karootada: waxaa ku jira VITAMIN :A,B,C,D, H .faa'idooyinka ku jira Karootada waxaa kamid ah arigtada Indhaha oo xoojiya, wuxuu kordhiyaa ka hortaga jirka jirrooyinka Caloosha ku dhaca, wuxuu daaweeeye dhiig la'aanta kugu dhacda, Maqaarka oo aad unuura wixii jiro ah kudhici lahaa haday tahay jirka oo dildilaaco ama qolof yeesha ama jirka uu mugdi noqdo iyo wixii la mid ah, kolay wax jirka Ifiya oo qurxiya waa Karootada teedi kale Inanata wixii ku dhici lahaa Xubinka Taranka-cowrada- dildilaac ama xasaasiyo ama qolof iyo kuwa kale oo laga yaabo markii ninka qabo utagaayo uu gelinaayo Xubinkiisa Taranka ay xanuun dareento amaba uu geliwaayo uu xoog u isticmaali ama wax qooya Xubinkeeda isticmaalo marka waxaa oo dhan ayuu Karootada insha alaahu daawo unoqonaysaa marka waa inay ku dadaasho markasta Karootada cunitaan iyo cabitaanba insha allahu. 3iyo 4, Leemoonka iyo Burtuqaalka Faaidooyinkiisa lama soo koobi karo aad iyo aad ayay u badanyihiin marka ku dadaal labadaas aad iyo aad ayey ufiicanyihiin inshaa alaahu hoos ayaanku sheegi doonaa mid mid faa'idooyinkooda hadii ay suuraga noqoto waqti uhelno.

5- Muuska: waxaa laga yaaba dadka inay garanaynin Muuska-mooska- faa'idadiisa laakin hada maqal faa'idooyinka laga helay Muuska wuxuu kakoobanyahay Vitamins: A,B10,B12,D, iyo macaadiin iyo kuwa kale. Faa'idada uu leeyahay: maskaxda ayuu kordhiyaa iyo firficooni. Caloosha oo kacda oo isku qasanta, Mandhaciirada Olalaya, iyo Saxarada adkaata iyo Caloosha oo socota. Kilyaha olalaya ayuu daawo uyuu uyahay, waa Quudiye iyo xoojiya hadii lagu shiido caano kadibna Qaado Malab ah lagu daro waa Cajiib, Caruurtana wuu koriyaa si deg deg ah. Ilkaha ayuu ka ilaaliyaa Suuska gala iyo dhibaatooyinkeeda.. iyo wax yaabo kale.

marka waxyaabaan ku dadaal walaal wax tar ayuu kuu yahay .

marka xanuunadaa aan soo sheegnay ku dadaal khudradaan iyo inaad nasato waad ka caafimadi insha allahu ha isku daalin daawooyin kale iyo kareemooyin iyo wixii la mid ah ...

Baarista Naaska inuu caafimaad qabo. Inanta markasta waxaa laga doonayaaa in ay Naasaheeda ku dadaasha maxaa yeeley sideedaba Naasaha Inanta waa Quruxda ugu horreysa oo soo jiita Ragga marka qeebta ku xigta ayan ku faahfaahin doonaa inay Inanta Naasaheeda ay Wax cudur ah qabin inay ogaato waxay sameynaysaa : Inay seexato Qadaadka kadibna dhabarka Barkin geliso kadibna Calaacasheeda ay saarto Naaska ay doonayso inay baarto si tartiib ah ay gacanta u marmariso meel adag oo ka duwan meelaha kale ina ka baarto labada Naasba.

Teedi kale Inanta ha iska ilaaliso waligeeda inay useexata xabadxaba aad bay u dhibaysaa qaabkaa Allena wuu xaaraamtinimeeyey sidaa inay u seexdaan Rag iyo Dumarba .

Inanta iyo Naasaha, Inanata waxa ugu horeeya ee quruxdeeda laga eego ee raga soo jiita waa sida aan soo sheegnayba Naasaheeda si kasta hadii u quruxbadanthay Inanta oo Naasaheda yar yar yihiin oon muuqan waxba ma ahan quruxdeeda waxaa hubaal ah Inanta kale oo foolxun laakin Naasaheeda muuqdaan inay kasoo jiidasho badantahay aad iyo aad, marka taasi waxaan uga jeedaa hadii Inanta Naasaheeda yar yar yihiin Raga wax badan ayay ku fakirayaan, tan aan Naasaheeda yar yar yihiin hadhaw Nuugmada Caruurta iyo wixii lamid ah inay ku fashilmi doonto iyo warkaa marka Inanta hadii sidaa ay tahay -Naasaheeda yar yar yihiin inay sidaan yeesho si ay u noqdaan kuwa roon roon oo muuqanaya Ninka qabana soo jiita quruxdeedan ku koradha sidaan: Hasoo Qaado Kubbad -Banooni- dhexdhexaad ah wayn aheen yariisna aheyn kadibna gacmaha haku qabato illaa Xabadka-laabta- hagaarsiiso ku beegan Naasaheeda xoog ha ugu riixdo-cadaadiso- labadeeda gacan kubadii illaa ay istiraahdo dhabarka danbe Carjawdiisa waa soo baxday iyo xididaha jirka Muruqyada illaa 5 seken ama hatiraahdo 1,2,3,4,5, kadibna si tartiib tartiib ah ha usii dayso kubadii aan halmar aheyn. Insha alaahu si fiican oo wanaagsan oo soo jiidasho leh quruxdeedan ku dhamaystir mayso ayay noqon

Malabka iyo xanuunada Dumarka. Mantaga -Hunqaacada- Inanta Uurka leh iyo xanuunada kaleba dhakhaatiirta waxay caddeeyeen Malabka Inanta maalinkasta si joogta ah u qaadato inay door wayn ka cayaaro caawinta Inanataas cuduradaa ku dhacay marka si raashiinka oo kale Inanata ha u qaadato Malabka Saafiga ah, iyada iyo Uurka midka ku jiraba Malabka wuu caawinayaa.

Mantaga Wallaca. Inay badsato Inanta cunista Lawska wuxuu joojinayaa Mantaga insha alaahu.

Cudurada Maqaarka Ku dhaca.

Xasaasiyada, waxaad sameysaa aad ku dartaa Laba dhibcood oo Casiirka Burtuqaalka ku dar Kariim-Kareema-kasta oo jirta la mariyo isku qas kadibna Jirka marso xittaa wajiga wuu daawaynayaa.

Tilmaam kale: waxaad badisaa cunista Qajaarka -Cucumber- aad buu ufiicanyahay dhankaa.

Dildilaaca waa wayn Jirka iyo Dhaawacyada.

Meesha waxaad ku nadiifisaa Xabad Toon ah inta uu la egyahay Dhaawaca iyo dildilaaca kadibna Toontii Biyo yar diiran ku dar kadib ku dhaq meesha.

Tilmaam kale: Meesha dhaawac ah ama dildilaaca waxaad marisaa Malab kadibna faashad ku duub kana fogeey qoqoyaanka seddex maalinkasta badal faashada illaa uu ka boksado .

Gubashada Maqaarka-qofka Gubtay: waxaad sameysaa in Malab ah iyo Faasaliin-Baasaliin- mari meesha gubatay Subixii iyo galabtiiba illaa qolof ay yeelato meesha gubatay waxay noqonaysaa meel aan horey u guban oo kale oo jirka intiisa kale ka duwanayn insha alaahu hadii aad sidaa yeesho.

Tilmaam kale: Xabad Ukun-Bayd- ah ku dar Qaado Malab ah mari meesha gubatay.

Kasoo baxa- Nabraha yar yar ee jirka kasoo baxa- waxaad sameysaa aad ku dartaa Laba dhibcood oo Casiirka Burtuqaalka ku dar Kareem kasta oo jirka lamarsado si fiicanna iskugu qas kadibna Jirka marso xittaa wajiga wuu daawaynayaa Jirro kasta oo maqaarka ku dhaca waad u isticmaaleysaa Labadaan la isku daray isagaa daawo u ah insha allaahu.

Cudarka maqaarka ku dhaca oo jirka kalarkiisa midabkiisa tagsiiya oo dhibcooyin yar yar maqaarka ku sameeya dhibcahaa yaryar ama waa caddaan ama waa madow.

Waxaad sameysaa hadii yahay kii dhibcihiisa cadcadaa: Malab iyo Xildiid-xaldiid- isku dar in is la eg kadibna isku qas mari meesha ay dhibcahaa ku yaalaa joogteey illaa ay ka bogsadaan uu baaba'o.

Tilmaam kale: Toon tun shiid kadibna in la eg oo Malab ah ku dar isku qas maalinksata marso.

Xabarshaad-Shanfax- in xoogaa ah Khalka Tufaax ah ku dar isku qas kadibna mari Habeen kii meesha u daay 5daqiiqo illaa uu ka qalalo kadibna Shaash ku dabool illaa subuxii kadibna ka dhaq Illaa 10maalmood sameey markasta markii aad isticmaasho daawadaa geli Talaagada -firinjeerka- sey u xumaanin.

Hadii uu yahay dhibcihii madow sidaan yeel: soo qaad xoogaa Xabaasuud ah ku tun shiid kadibna ku dar Khal Tufaax ah isku qas meesha dhibcahaa madmadow ku yaalan mari maalinkii hal mar kadibna shaash ku dabool subixiina ka dhaq ka.

Cudurka timaha qolof u yeela kadibna daata-Bidaarta- hadii Alle daawo kuugu daro sidaan sameey:

Xabaasuud hal Qaado aad ushiid kuna dar hal koob dhexdhaxaad ah kan Shaah lagu cabo oon aheen Kan la'eg Fiijaan, koob Khalka Canabka laga sameeyey ah Qaado yar in la'eg oo Toon Casiir laga dhigay ah intaa isku dar oo aad isugu qas kadibna mari meeshaa laakin ka xiir timaha meesha ku yaala dabool Tuwaal ama shukumaan iyo wixii lamid ah subuxii illaa galabta u daay kadibna marka Saliida Xabaasuuda Habeenkii insha alaahu hadii ale timo ugu tala galay way soo baxayaan.

Cudur kale oo timaha qofka ka daadanayaa tinkasta jirkiisa ku taala Timaha Sunyaha Shaaribka garka iyo wixii lamid ah meel sib sib oo kale ayay noqonaysaa wuxuu sameynaya sidii bidaarta oo kale aan soo sheeganay soo qaad xoogaa Xabaasuud ah ku tun shiid kadibna ku dar Khal Tufaax ah isku qas meesha dhibcahaa madmadow ku yaalaan mari maalinkii hal mar kadibna shaash ku dabool subixiina ka dhaq.

Cudur kale oo jirka ku dhaca oo Maqaarka yeesho Qolof, maalin kasta ha marsado Saliida Xabaasuuda seddex jeer ilaa ay ka baaba'aan.

Qaniinyada Xasharaadka. Waa nadiifisaa meesha la qaniinay kadibna dhoor gabal oo toon la tumay ah kadibna 10ml oo Saliid ah 20ml oo Biyo ah ku dar kadib saar meesha la qaniinay.

Injirta iyo Qandhiciilka-Qandhicil- Injirta waxay sababtaa dildilaac madaxa salka marka waxaa daboosha Qolof waxaa kale uu sababaa Timaha inay isku dhagdhagaan waxaa laga yaabaa qofka inuu arkin wax Injir ah laakin Qandhicilka ayaa tusinaysa inay timahaa ay ku jiraan Injir.

Laba tilmaamba waa sameenkartaa tii kuu fudud : tan ugu horeysa: soo qaad 4Toon kadib Tun shiid kadibna ku dar oo ku cajiin Khal laga sameeyey Tufaaxa Quraarad-dhallo- ku shub waxaad dhigtaa Qorraxda 8maalmood kadibna mari Timaha si fiican umari ilaa salka timaha aad tiraahdo si fiican ayuu ugaarey sidaana yeel 10 maalmood oo marso qolaftaa iyo Injirtaba iyo Qindhicilka wuu ka baabi'inayaa timaha insha alaahu timahana way bixinaysaa dheedheeraynaysaa. kadib marso Saliid badan timaha sida Saliida Castor oil ama afcarabiga lagu yiraahdo:Zaytul khuruuc.

Tilmaam kale: Mari Timaha Malab ilaa asalka hoosta timaha Habeenkii kadibna hadii aad heli karto ku dabool gabal Shaash xariir ah kadibna subuxii ku dhaq Biyo diirran samey sidaa illaa 7berri.

Caloosha fariisata. Caloosha fariisato Ma'aha Cudur madax banaan laakin waxaa sababa wax soo diriya oo u sabab ah qofka oon raashiinka si hagaagsan u qaadanin waqti go'an oon laheen, marna 2 jeer cuno marna 3 jeer iyo wixii lamid ah oo kadib sababta in caloosha caajista shiidista raashinka ama xubnaha ay adkaadaan iyo wixii lamid ah marka qofka hadii cudurkaan ku dhaca wuxuu sameynayaa dhoor Tilmaam, Tan ugu horreysa: inuu qofka dhaqdhaqaaq Orod iyo wixii lammid ah uu sameeyo si beerka u nashaad u noqdo hooshiisa si hagaagsan uguto iwm, teedi kale qofka inuu ka fogaado Ukunta Shaaha Baradhada Berger IWM ah oo Raashiinka cul culus ah.

Teedi kale qofka Subixii intuu Quraacan nus saac ka hor koob Biyo diirran-faldiir- ah ama mid qabow ah ha cabo markuu seexanaayo nus saac ka hor koob sidii oo kale ah maalin kastana ha sameeyo sidaa.

Tilmaam kale: koob Caano ah oo qabow oo Qaado Malab ah lagu daray subax iyo Habeen ha cabo.

Tilmaam kale: Koob Casiirka Canabka Caloosha iyo Mindhiciirada ayuu dabciyaa dheebshiidkana nadiifiyaa Calool fadhina waa ka taKhalusayaa. Canab aad buu ugu fiicanyahay Caloosha.

Caloosha soconaysa-shubanka- waa sidii aan sheegnay oo kale Caloosha fariisata marka waxaad samaynaysaa: soo qaad 3 Tufaax ah goygoy kadibna Litar Biyo ah ku dhexrid oo dabka saar ilaa Rubac saac oo kale kadibna 4koob haka cabo maalinkastana sidaa ha yeelo.

Tilmaam kale Farawle ama Istoroobari-strowberry- Caleyntii si fican u dhaq kadib ku karkari Biyo litar oo kale kadibna cab ka hor inta aadan raashiinka cunin joogtay illaa uu joogsado caloosha socota.

Shubanka caruurta Biyo Litar iyo bar ah ku kar kari karooratada 1kilo dabka udaay 2saac oo kale kadibna Milix -cusbo- in yar 3garaam ku dar, kadibna caruurta hala siyo badalkii Caanaha.

Gaaska-gaastarik- daawadiisa waxa weeye: miraha Xulbada ku kar kari Biyo kadibna biyaha ku dar Malab ama (Sokor Nabaat) kadibna ku darso xoogaa Casiirka Basasha isku walaaq intaa kadibna maalinkasta hal mar sidaa yeel waa daawada ugu fiican Gaastariika.

Basasha kaligeeda oo Khalka lagu darsado iyadana waa fiicantahay Gaastariika-Gaaska-.

Tilmaam kale: Qaado Xabaasuud ah cun kadibna koob Biyo kulul oo lagu daray Malabka laga sameeyey Qasabka seddex Qaado sidaa maalinkasta sameey illaa 7cisho Wiik.

Dheebshiika oo xumaada: Sanjabiisha badso oo raashinka iyo Sharaabka kulul ku darso, teedi kale waxaad samaysaa Basal jarjar kadibna ku darso Malab Rooti ku cun hal mar ama laba jeer maalinkii socod samay ama Orod.

Caruurta calooshooda waxaa ka nadiifiya waxkasta Karootada Casiir ahaan loo siiyo loo shiido.

Ameebaha-gooryaanka-dosnatariya: markasta markii aad raashinka cunto xabad Toon ah Cun seddex jeer illaa Tobon casho maalmood wuu dhimanay bahalkaa dhibka badan insha alaahu waa inaad joogteyso 10 maalmood seddex jeerna aad cunto Toontaa.

Tilmaam kale: Xabaasuud iyo Qaado Toon ah isku dar oo isku walaaq oo Casiir Tamaandho-yaanyo- oo Diiran -faldiir- ah milix yar-cusbo- ku dar maalinkasta hasameeyo sidaa illaa laba wiik laba isbuuc caafimaad ayuu dareemi doonaa qofka Cudarkaa haaya inshaa allaahu.

Bawaasiirka. Waxaad samaysaa Xulbad Biyo ku karkari kadibna biyahaa Nus litar half litar soo qaad waxaad ku dartaa meraha Xulbada lashiiday Qaado yar kadibna 1daqiiqo saar kadibna kala fariisi Qaado wayn kacab biyahaa Saacad kasta insha alahu waad ka caafimaadaysaa uma baahandoontid Markasta in lagaa daaweeyo ama obareeshan laguugu sameeyo.

Tayfood-Tiifoow-, waxaad samaysaa soo qaad 6xabo oo Toon ah la googooyey oo lagu daray koob caano ah lagu daray Qaado Malab ah intuusan seexan ka hor, sidaa ha yeelo 10maalmood hana marsado Saliida Toonta dhabarka ha mariyo, subuxiina markuu soo tooso haku Qiiqsado -isku uumiyo- Toonta inta Biyo kulul toon ku rido 6daqiiqo sanka haka qaato haku qiiqsado insha alaahu.

Koleeraha-Daacuunka-: Qaado toon la shiiday ku dar Malab saafi ah maalinkii seddex jeer Markii Raashiinka aad cunto kadib, Koleeraha ka hortag iyo daawo ayuu uyahay.

Dawakhsanaanta- Madaxwareerka- soo qaad 5xabo oo Toon lagoogooyey dabka saar oo caseey Saliid Sayd -Saliida saytuunka ku dar, Casiir oo Tamaandho-Yaanyo- ah ku dar iyo xabad Ukun iyo in yar Milix-cusbo- ah iyo Xawaashka sida Filfil kamuun iyo wixii lamid ka ahaa maalinkii seddex jeer samey oo 3maalmood isku xigta ah insha alaahu maalinta afaraad ma arkaayo.

Mantaga. Laba tilmaam tan hore: Biyo haku karkariyo si fiican Qaranfulka-dhagayaraha- Malab haku daro Koob haka cabo intuusan wax cunin markasta wuu istaagayaa insha alaahu Mantaga.

Tilmaam kale: Xabaasuuda iyo Qaranful-dhagayare- ha karkariyo Biyo kadibna hacabo maalinkii seddex jeer marka seddexad wuu istaagayaa mantaga insha alaahu.

Xanuunada Beerka:

Asbaabta keenta 1-waa cudur la isku gudbiyo uu soo Qaado fayraska dhaliya Duqsiga-Taxsiga-Tisxiga- Raashinka iyo wixii lamid ah uu dhigo kadibna qofkaa raashiinkaa uu cuno.

2- Wuxuu ku badanyahay meelaha wasakhda badan iyo guryaha oo Nadaafa la hayn.

3- Waxaa la isku qaadsiiyaa dhanka Irbadaha iyo wixii lamidka ah.

4- Washmiga Jirka la xarxardho oo wixii jirka lagu qorqoray aan ka baaba'aynin marka wuu ka imaadaa maxaa yeelay maadada lagu sameeyo waxaasa waa (D.D.T) waxay dhibtaa Beerka.

Asbaabta lagu garto xanuunkaa: qofka qaba Qandha daran iyo Madax wareer daran iyo Caloosha isku dhex yaacda marna socota marna fariisata marba si iyo Abateetka oo qofka ka xerma.

Dawaada: Saytuunka mana ahan kaan naqaano oo macaanka Laakin Waxa weeye Saytuunka kan kabaxa Shaam iy carbaha oo dhannaan ka ah ee quraanka lagu sheegay oo laga sameeyo Saliid sayd -Saliid saytuun- aan naqaano ama Olive oil englishka lagu yiraahdo Saytuunkaa Qofka ha badsado subixii quraacda qadada iyo cashada ha badsado daawo ugu fiican waaye Beerka cuduradiisa.

Tilmaam kale: ha jarjaro-googooyo- Seddex xabo oo Laymoon ah Biyo kulul haku daro Habeenkii sidaa haku daayo kadibna subaxii ha cabo daawo weeye allaah idankii wuu caafimaadayaa.

Tilmaam kale: Malabka Cudurada Beerka daawo ayuu uyahay hamooganin Malabka.

Gubashada Caloosha: badanaa waxa ugu wayn oo dhaliya xanuunkaa waa qofka markii uu wax cunayo Inuu boobsiiyo raashiinka deg deg ku cuno ama Qofka oo kala fogeeyo cuntada waqtigeeda ama mar mar qofka wax cuno marna daayo ama cabsida badan iyo naxdinta qofka qabo.

Waxaayaaba qofka ku dhaca:

1- Dibirsanaan iyo Daac qurun,

2- Xanuun Caloosha iyo Gubasho.

Daawada : koob caano ah oo kulul ku dar 10dhibcood oo Saliida Xabaasuuda iyo Qaado Malab ah.

Caruurta iyo xanuunada ku dhaca Caloosha iyo Jirka.

Hadii aad ku aragto Caruurta, Qandho badan oo laga yaabo in Ilmihii yaraa Daawo waxba utaraynin ama sharoobo waxaad samayneysa: Marwaxa ama Mukeef meel leh aad geyso hadiii kale waa khatar, marka jawiga qabaw ha ahaado. Xanuunka Caloosha ayuu ka socodaa sidaa u ogow.

Waxaa lamid ah hadii aad ku aragto Mantag la socda Shuban ama Raashiin uu san qaadanaynin waa dhib ka jira caloosha laakin waxaad ogaataa Mantaga kaligiisa waxba dhib malahan laakin labadii aan soo sheegnay Qandho iyo Mantaga la socda shubanka iyo kuwan soo socda:

Ilmaha Oon aad u daran, Kaadida oo aad u yar intii uu maalinka kaadiyo, Indhihiisa oo God gal weliba ay soo buurtaan Xididaha Wajiga, Carabka oo qalala-enjega- iyo Ilin iyo wixii lamid ah aan laheen intaa hadii aad ku aragto ilmaha waxaad ogaataa Caloosha inuu ka jiran yahay marka sidii aan horey usoo sheegnay Ilmaha Daawada ugu wanaagsan aad siiso waa Karootada inaad Rashiinka ugu darto ama Inaad shiido oo sidii caanaha oo kale aad usiiso uu booskiisa Galo .

Tankale Ilmaha yar waligaaga waxaad ka ilaalisaa hadii hurdada ku yartahay Habeenkii inaad Kaniin siiso waa khatar ogow waxaad sameysaa hadii hurdo la'aan ku dhacdo caanaha uu cabo Masaasada 125Ml waxaad ugu dartaa Qaada yar 2.5ml oo Malab ah wuu ku hurdi doonaa inshaa allaahu.

Abateeka iyo qofka raashiinka aan qaadanaynin.

Waxaad samaysa intaadan Raashiinka Cunin Qaado yar xabaasuud ah 2.5ml cun kadibna koob Biyo ah oo Qabaw ah cab, adaa arki doonaa Raashiinka sida aad u cuni doontid laakin iska ilaa Daacqurun.

Caatanimada: Asbaabta keenta

1- qofka oo aad u shaqeeya ama wixii lamid ah inta uu Dadaal jirkiisa uu bixinaya oo wax u qalmo oo raashiin ah uu qaadanin.

2- Caloosha oo isku dhexyaacda oo markaasina Raashinka uu cuno Jirka qaadanaynin.

3- Qofka oo Neerfooska ah oo sababta badanaa uu raashiinka si fiican u qaadanin.

4- Qofka oo ku dhaca Cudarada qaarkooda sida Sokorta iyo Kansarka.

5- Qofka oo raashiin ku filan cunin Abaar iyo Faqri wixii lamid raashiin la'aan.

6- Hido iyo dhaqan, qofka oo reerahooda Caata caata yihiin.

Daawada: Qofka ha isticmaalo Khalka Tufaaxa raashiinka haku darsado iyo wixii lagu dari karo

Tilmaam kale: Qajaarka-Cucumber- iyo Timir la isku cuno midkooda maya, waa inaad labadooda isku darto midkooda ha cunin kaligiisa waxaan tilmaamtaan noo sheegtay Caaisha Alle haka raali noqdo Nabiga Xaaskisa(scw).

Isku soo duubduub Cudarada ku dhaca Caloosha waxaa daawa u ah dhamaan waxay doonaan ha noqdo insha alaahu: Malabka, marka Malabka joogteey daawada waad haysaa.

Cudurada ku dhaca Afka iyo Ilkaha: tilmaamta: Inaad Malab iyo Khalka isku darto aad ku Luqluqato Subaxii iyo Habeenkii ood Malabkii iyo Khalkii la isku daray Marmariso Ciridka,

Caday isticmaal Malabkana Macjuunka oo kale u isticmaal waligaaga ilkahaaga maxumaanayaa Suusna magalaayo insh alaahu, sidoo kale: Ciridka wax dhib ah kuma imaanayaan insha alahu. Waxaad ogaataa Macjuunka sida Colgete iyo AQuafresh iyo wixii lamid ah oo daawooyinka Ilkaha lagu cadaysto ah dhibkooda waa badan yahay waxa ugu fiican ee macjuun ah waa Malabka.

Hadii uu ku xanuuno Goos ama Ilig waxaad ku deg deg taa Biyo kulul inaad ku luqluqato si wixii galay gooska uu uga baxo kadibna Saliida Qaranfulka in Cudbi yar -suuf- mariyo Gooska ama iligii hasaaro insha alaahu si deg deg ah ayuu uga ba'ayaa xanuunkii.

Digniin waligaaga iska Ilaali hadii Ilig ama Goos ku Xanuuno inaad Asprin ama Novelgium iyo wixi lamid ah xanuun jabiyaha ah inaad saarto Iligii Ama gooskii maxaa yeelay Wuxuu dilayaa Ciridka iyo ilkaha Waxyaaba haya oo qofka dhib badan u keeni doonto marka iska ilaali xanuun bi'iyaha...

Tilmaam kale Hadii ku xanuuno Gooskii ama Iligtii Saar Toon ood Jartay Gooska xanuunaya.

Ciridka oo dhiigaya-dhiig kasocda- Asbaabka qofka oo jirkiisa ka dhamaada Vitamin C iyo qofka markuu cadayano oo Burushka ama Cadayga xoog ugu xoqo Ciridkii marka waxaad sameysaa:

Burtuqaalka-Liinmacaanta- inaad sharaab ka dhigato wuu istaagi doonaa dhiigaa insha allaah.

Cudurkasta afka iyo carabka waxa keena waa Bakteeriya marka qofkahaduu sidaan sameeyo

Inuu Toon ama Basal -ii kuu fudud-4daqiiqo qofka hadii ku hayo Afka oo calaliyo kadibna uu liqo waxkasta cudur ah goosaha afka carabka wuu tirtirayaa mustaqbalka jeermiska ku dhalan lahaa.

Kaadida iyo xanuunkeeda markii uu kaadinayo qofka: Hamariyo qofka Saliida Xabaasuuda Timaha hoose agteeda intuusan Seexanin hana cabo Biyo lagu kululeeyey Xabaasuuda oo Malab lagu daray maalinkasta sidaa hayeelo, intuusan seexaninna.

Kaadida qofka ku ceshanta. Ku karkari 30gram oo Tufaax ah Rubuc litar oo Biyo ah kadibna dabka u daay 15daqiiqo kadibna biyahaa cab maalinkasta 4ama 6koob.

Kilyaha iyo dhagaxaanta Qofka wuxuu ku garanayaa in Kilyahay uu dhagax ku jiro in: kaadida ay casaato-guduudato-, Indhaha hareerahooda buurbuurtaan, Mararka qaarkood qofka uu Mantago madax wareer iyo Xumad daran-Qandho- iyo kilyaha hareeraheeda qofka xanuuna Caloosha xaga hoose xanuunkaa u gudba ilaa Xubnaha taranka uu gaaro xita laga yaabo mararka qaarkeeda qofka inuu kaadiyo Kaadi dhiig la socota ...

Qofka hasameeyo: habadsado Qajaarka-cucumber- maadaam uu yahay maado kulul kilyaha iyo dhagaxaanteeda wuu u fiicanyahay iyo Beerkaba iyo Caloosha hooshooda si fiican inay gutaan.

Tilmaam kale hasameeyo: Basal ma qolafteeda ha nadiifiyo kadina dhexdeeda hageliyo Timirta lafteeda oo aad loo dubay oo la shiiday kadibna hashiilo ha dubo Basashii ha cuno maalinkasta illaa 10beri, xanuunada Kilyaha iyo dhagaxa wuu baabi'inayaa insha alaahu.

Tilmaam kale oo dhagaxa ku jira Kilyahay: koob xabaasuud ah hashiido kadibna haku qaso koob Malab ah kadibna ha dubo-shiilo- 3xabo oo Toon ah haku daro Xabaasuudii iyo Malabkii 3meelood ha u qeebiyo halmeel subixii halna duhurkii hal Habeenkii maalinkasta ha sameeyo hadii uu heli karo Laymoon maca Qubkeeda hal xabo ha cuno dhagaxaantii waa baaba'ayaan.

Sifaynta Dhiiga. Dhiiga waxaa sifeeya Qofka hadii maalinkasta uu cabo 100gram oo Casiirka Leymoonka ah Dhiiga wuu sifaynayaa insh alaahu ku dadaalo Lemon-liintadhanaanta waa wayn-ogow ma ma'ahan liin dhanaanta yar yar aan naQaado iska hubso sidii aan horey usoo sheegayba.

Qeybta ugu danbeysa

Quruxda dhabiiciga ah.

Waxaa jirta dhoor cudur oo ku dhaca Maqaarka qaar kamid ah aan soo sheegnay dib ugu noqo, markasta aad qubaysanaysid waxaad u isticmaasha Saabuun ahaan Lemon ka ama Saabuun laga sameeyey ama Shamboo ama Saliida Timaha marka ku dadaal wax kasta oo jirka lamariyo inay ahaan Lemon.waxaadna ogaataa Cudurkasta oo ku dhaca jirka waxaa daawo u ah ugu horreeya Lemon liimoonka marka isaga weeye daawada Dabiiciga ah.

Waxaa jirta Wajiga Dhibco mad madow ah kasoo baxa oo waliba si fiican umuuqanayo qofka markuu Qorraxda ku socdo ama ay qabato muuqanaya, Waxaad ogaataa inuu jirin Cudurkaas wax baabi'inaya, laakin waxaad sameysaa markasta aad aragto cudarkaa wajiga Biyo kulul ku dhaq kadibna Lemonka liimoonka Casiirkii iyo in la eg Garasiliin ah- glysolid- iyo Alkool in isla eg isku qas kadibna Habeenka mari markii aad Biyo kulul ku dhaqdo subuxii Isaga dhaq Biyo kulul kadibna Cudbi-suuf- soo Qaado oo mar mari wajigii iyo meeshii kaleba sidaana yeel 7berri Isbuuc.

Tilmaam kale Qiyaarka-Khiyaar- soo qaad 3xabo googooy kadibna ku qamiiri caano oo isku daay dhoor saacadood aan la karkarinin kadibna wajiga ku dhaq waad arki doontaa insha alaahu qurux.

Teedi kale waxaad ogaataa inuusan jirin Khiyaarka wax u dhigma waxa jirka lagu qurxiya marka isagoo Casiir la dhigtana wuxuu faaido uleeyahay Qoka jirkiisa dufanta iyo Dhididka wuu yareenayaa, wuu yareenayaa si normal ah wuu ka dhigayaa insha alahu ku dadaal.

Teedi kale Saliidiisa -Khiyaarka- Faaidooyin badan ayuu uyahay Maqaarka khaasatan: hadii aad sidaan yeesho oo ah Saliidiisa aad ku darto In yar faasiliin ah -baasliin- waa daawo aad ka yaabi doonto markii aad isticmaasho oon laheen wax kiimiko ah oo jirka dhibaya, marka hadii aad doonayso inaad jirkaaga uu nuuro qurux sidaan yeel oo iska daay daawooyinka kiimikada ah oo la isku caddeeyo oo la ogyahay dhibaatooyinkeeda iyo Khiyaano ay ku jirto Nimanka la khiyaamaynaayo.

Waxaad sameysaa Qaado yar Casiirka Lemonka ah ku dar Qaado yar oo Casiirka Khiyaarka isku dar kadibna wajiga mari oo Rubac saac 15daqiiqo ah u daay wajiga kadibna ka dhaq wuxuu yareenayaa dhididka wajiga iyo Dufanka,

Jirka Xasaasiyada. Jirka ama wajiga waxaa marisaa Casiirka Karootada iyo Qaado Malab cad ah 10daqiiqo ah u daay kadib ku dhaq Biyo diiran Wajiga wuu jilcinaya xasaasiyadana yareenayaa.

Jirka Qoyan ama dhidid ama qoyaan kale: isku dar Tamaandho-yaanyo- Casiirkeeda iyo in yar oo Casiirka Lemonka mari jirkaaga rubuc saac u daay kadibna Biyo diiran ku dhaq.

Jirka Qalalan. Isku dar Qaado Malab iyo Caddaanka Ukunta isku walaaq wajiga mari wuu yareenayaa wajiga qaleylkiisa iyo jirkaba.

Hal shay ayaan raacinayaa inkastoo aysan aheen booskeeda laakin : waxaa jirta dhibaatooyin badan Dumarka uga dhaca Xubinka Taranka qoyaan badan oo laga yaabo in ninkeeda Ku dhibtooda ama markii ay da' badan ay dhasho xubinkii uu kala tago ballaarto oo laga yaabo ninkeeda iyo iyadaba sidii hore ay hooshooda aysan u gudan Karin iyo jirrooyinkaleba marka waxaa fiican waxyaabahaan iyo kuwa kaleba oo ku dhaca Taranka Dumarka inay sameysa: lafta Canbaha-mango- Canbalaf marka Laftiisa hasoo Qaado aad ha ushiido sida daqiiqda oo kale kadidna haku shubto Xubunka taranka gudihiisa hadii dhibaatooyin jirraan insha allaahu iyo wixii wakhas ah iyo hadii ballaartay waynaaday iyo wixii la mid ah insha alaahu wuu hagaajinayaa Ninkii qabayna Raaxo badan iyo isbedel badan sidii gabar yar 14jir oo kale ayuu arkayaa marka ha moogaanin Lafta ku jirta Cabaha-mango-.

Dhoor tilmaamood qofka jirka Quruxdiisa ilaalinaysa.

Lemon. Liimoonka waxa ugu wanaagsan ee qofka jirkiisa Nadiifiya ee dabiiciga ah weeye jirka wax kasta oo wasakh ah iyo dufan ama Dhidid jirka ka yimaado, Wuxuu hor istaagaa dhibdhibcha jirka madow, Jirka ayuu qurxiyaa dhamaantii, wuxuu baabi'iyaaa ilkaha waxkasta oo midab ah fuula sida yellow-huruud jaalo ilkaha lamariyo Casiirka lemonka kadibna caday aad ilkaha mariso, jirka mari Casiirka lemon dhoor daqiiqo udaay kadibna Biyo ku dhaq diiran.

Saliida Saytuunka -saliid sayd-Saafi ah. Koob Saliida saytuunka oo saafi ah ku Miir Casiirka xabad Lemonka ah kadibna ku dar Qaado wayn ee glysolid si fiican isugu qas kadibna mari jirka iyo wajiga markii aad qubaysato kadib u daay jirka, waxaan kuu balan qaadayaa inaad arki doonta waxaad la yaabto oo quruxda jirkaaga ah iyo nadaafadiisaba.

Karootada. Waxa ku jira Karootada Vitamin A oo ah waxa quudiya maqaarka marka badso cunistiisa iyo inaad Casiir ka dhigo marna bilaa faa'ido manoqnaya insha allaahu.

Qaranful-dhagayare- jirka ayuu furfuraa nadiifiyaa nabyarah jirka kasoo baxo ayuu u fiicanyahay oo wuxuu dilaa bakteeriyada jirka wuxuu kale u fiicanyahay xanuunada Ilkaha, Afka wuu carfiyaa.

Qarfaha. Saliida laga sameeyo Qarfaha jirka ayuu quudiyaa wuxuu daaweeyaa kuleelka iyo shucaaca Qorraxda Ilkahana wuu adkeeyaa.

Xabaasuuda waxa ay tahay Caafimaad gooni ah oo aad u tira iyo faa'idooyin badan Timaha iyo Jirka waxa ay nadiifisaa Jirka badanaa shaabooyinka iyo saabuunta marka Timaha waa bixisaa waana adkeysa.

Quruxda Timaha.

Timaha waxaa bixiya oo badiya Saliida Khuruuc ama-Castor oil- Saliidaa aad u mari Salka Timaha si fiican umari.

Caano Fadhiga. Timaha Nadiifisaa wayna bixisaa, marka mari timaha salkooda hoose ka hor intaadan Ku dhaqin shampoo hadii aad kari kartid markasa oo kuu suura gasho.

Ukunta Hadii aad Ukunta caddaankeda aad timaha mariso kadibna aad shampuu ku dhaqdo waxay timaha u kordhinaysaa Qurux Iftiin adeeg marka sidaa yeel hadii aad kari kartid.

Khalka. Khalka Tufaaxa laga sameeyey hadii aad ku darsato Biyaha aad ku qubaysanayso ama Kan Timaha aad ku dhaqayso Timo adag oo qurux badan oo qolof iyo Injir laheen ayaa ka heli.

Tinta Jajabaysa iyo Tinta Khafiifka ah. Waxaad marsataa sidii aan soo sheegnay Saliida Castor oil afcariga lagu yiraahdo Zaytul Khuruuc.

Timaha Daata. Timaha waxay leeyihiin Cimri sida uu uleeyahay Qofka cumri, Timaha Cumrigeeda illaa 1000 maalmood wax ku dhaw weeye intaa hadii mar la dhaafo timihii way daadanayaa oo kuwa kale ayaa soo baxayo laakin inta ka hor hadii timaha wax dhib ah uu ku yimaado adigaa sabab u ah adigoo timaha ku dadaalin wixii aan soo sheegnay sameynin, teedi kale waxaad ogaataa Timaha markasta la Dabo la ticdo si joogta ah adigoo wahsanaya in markasta aad hagaajiso sida badanaa caruurta la yeelo waxay sababa u tahay cudarkaa oo timaha ku dhaca, waxaa lamid ah in timaha xaga danbe la isugu geeyo oo la dhuujiyo-giijiyo- sida caruurta badanaa hooyooyinkooda ku sameeyaan marka waxaad ogaataa in waxyaabahan aan soo sheegnay inay timaha daadanayaan oon jajabayaa marka iska ilaali caruurtana ka ilaali.

Asbaabta Timaha Daadisa.

Ogow timaha inaad si xun ama jiijiido inay tahay asbaabta daadisa.

Ogow timaha markii ay qoyan yihiin ood degdeg sato qalajintooda mashiinka qalajiya-fooneeyo- aad isticmaasho timaha waa ka taKhallustaa quruxdeeda, waan daadisaa.

Ogow Naxdinta badan iyo cabsida fikirka iyo wixii lamid ah inay ka midtahay asbaabta.

Ogow Daawooyinka Kansarka -Alle ayaan ka magan galnee- inay kamid tahay asbaabta.

Ogow Jirrooyinka sida Kalyo xanuunka iyo Beer xanuunka inay ka mid tahay asbaabta.

Ogow Dhaawacyada khatarta ah waa wayn inay timaha daadinayso.

Ha ogaato Inan kasta Kaniinka Celiya Uurka inay daadinayaan Timaha aad iyo aad Estrogen maadaama uu ka koobanyahay kaniinkaas.

Ogow Farac inuu yahay cudurkaas oo qofka inu ka dhaxlo aabayaalkii.

Tilmaamo Daawada Timaha daata.

Timaha mari Basal Casiirkeeda Habeenkii, subaxiina ku dhaq Biyo kulul joogteey ilaa uu istaago daadashada tima.

Tilmaam kale: aad u mari Timaha Caanaha fadhiga ah u daay 15daqiiqo kadibna Biyo kulul hadii aad kari karto ku dar Ukun caanihii fadhiga intaadan marinin Timaha.

Tilmaam kale: timaha oo dhan aad u mari Saliid sayd- Saliida saytuunka- oo yara kulul dabka lagu kululeeyey kadibna ku shanleey-feedh- Shanlo ilko waa waayn dhoor jeer, kadibna ku duub timaha Shukumaan-tuwaal diiran-kulul- Habeenkii oo dhan sidaa udaay kadibna subuxii ku dhaq Timaha shaambada caruurta. wuu hor istaagayaa Timaha daadanaya.

Timaha Adag. Badanaa timaha adag waa dhaxal uu qofka ka dhaxlo awoowashiisa iwm, marka ay ku dhib tahay inuu qofka shanleyo timihii, marka waxaa Khalad ah inuu qofkii timaha adkaay uu waxyaabo timaha jilcinayaa sida Mashiinkii kululaa isticmaalo IWM marka iska ilaali,waxaad isticmaashaa Saliida Castor oil Jeel-Gel- waa iska isticmaali kartaa si aad ushanleeysoiyo wixii kale.

Qolofta iyo Toxobta Timaha daawadeeda.

Tilmaamta: Biyo yar kulul ku dar Qaado wayn oo Casiirka Lemon- liimoon- timaha ku dhaq.

Injirta iyo Qindhicilka.

Afar xabo toon ah shiid si fiican u burburi kadibna ku dar Khalka Tufaaxa Quraarad ku shub 8 Maalmood dhig qorraxda kadibna timaha mari 10maalmood wuu baxayaa horey aan soo sheegay.

Tilmam kale: Timaha ku dhib-dhibci xoogaa Khalka Tufaaxa kadibna in yar ka dib Ku dhaq Shambooga kadibna markale Khalka Tufaaxa u daay nus saac oo kale kadibna Biyo kulul ku dhaq.

Ilkaha waxaa xoojiya.

Xabad Tufaax ah maalinkasta la cuno qofka Ilkaha ayey ilaalisaa xittaa Duqnimada Ilkaha xoojisaa dhaqdhaqaaqa iyo dhiiga meeshaa mara.

Ilkaha waxa cadeeya. Isku dar Sokor iyo Milix-cusbo- in is la eg oo shiidan qofka inuu ku cadeysto markasta ilkaha ayuu cadeenayaa.

Waxaa kale Ilkaha cadeeya Cadayga isagaa ugu wanaagsan wax afka cadeeya oona nadiifiya.

Tilmaam kale Isku dar Khalka iyo Malabka sida macjuunka oo kale u isticmaal markasta.

Tilmaam kale: Rumaanka qolaftiisa Ladubo-shiilo- kadibna shiid daqiiqi ka dhig afka mar mari kadibna Cadeyga-rumiga- mari aad ayuu u cadeenayaa ilkaha wuun iftiiminayaa.

Afka oo urayaa urta xun. Isku dar Qaranful-dhagayare- iyo Toon isku shiid kadibna ku qas ku dar Malab intii aad kari kartid cun maalinkii iyo Habeenkii markii aad seexanayso.

Tilmaam kale: laba Qaado Malab ah ku dar Biyo kulul oo dabka saaran walaaq oo Afka fur u dhig hawada iyo qiiqaas oo qaado, dhoor maalmood sameyna cuna Kabarta Malabka.

Quruxda Indhaha. Waxaad markasta ku dadaashaa inaad aad u badsato Karootada waxaa ku jira Vitamin A oo Indhaha aasaas u ah iyo Malabka dhoor vitamin ah ku jira labadaa kudadaal.

Cadawga Indhaha waxa ugu horeeya ee Indhaha Cadawga u ah waa TV teleefashinka, marka waxaan kuu sheegi doonaa insha alaahu dhibka kaaga imaanaya waxa kaa fududeeya:

-Markii aad daawanayso TV ga ha ahaado meesha uu saaran yahay meel ku beegan Indhahaaga oo ku aadan TV, oon aheen Meel sarreesa ama hooseysa ama qalooc IWM oo Qoorta-Luqunta- dhabarka xididaha ku xanuunta.

-Inuu ahaado Fadhigaaga mid toosan oo raaxo leh adigoo xabad xabad ujiifa ama gees gees IWM

- wax yaaba ugu wayn ee dadka sameeyaan qaladka ah waxa weeye in uu damiyo Qofka markii uu daawanaayo TV ga Nalka-leedhka-, taasi waxay keenaysaa iney Isha u dhaxeyso marna xoog marna daciif sida uu yahay kolba TVga waxa ka socda shaashada oo markna mugdi ah marna Iftiin ah, marka taasi waxay keenaysaa in Isha ay dhibtooto markaasna madax xanuun IWM, kugu dhaco marka iska ilaali waligaaga inaad mugdi wax ku daawato meel iftiin ah la doono TV.

-hadii aad tahay qof Indhihiisa ay ilmeeyaan iska ilaali Inaad meel mugdi ah waligaaaga ku jirta xanuunkaas ayey kugu badinaysaa.

Xusuusta : badanaa qofka markuu fakiraayo wuxuu isticmaalo xusuusta Indhaha ayaa ka mid ah marka waxaa loo baahan yahay qofka maalinkii oo dhan haduu fakirayo ama xusuus in uu isha u Raaxeeyo inuu daboolo isha mar mar ama uu soco socdo in yar ama daaqada uu eego IWM.

Markii aad wax aqrisanayso waxaad ku dadaashaa Nalka- anbolka aad isticmaalayso inuu ahaado 100watt Indhahana haku aadinin waxa aad aqrinayso ku aadi ku hagaaji, iskana ilaali adigoo xabad xabad dhulka u yaalo inaad wax aqrisato fadhi, socd iyo istaag wax dhib ah malahan.

Isha hoosteeda bararka IWM ah iyo Qofka aragtida gaabiya-Habayniso- Qofka ha sameeyo Khiyaarka ha jaro laba Waslad Indhaha hasaaro daawo iyo qurux weeye.

Qeebtaan waxaan kusheegi doonaa inyar oo kooban ku saabsan Inanata uurka leh.

Inanta waa inay ku dadaasho quruxdeeda markay uurka leedahay, marka haku dadaasho waxa aan hoos ku sheegi doono:

1- ilkaheega inta uu yaryahay uurka waa inaad ilkaha baarto hadii wax ay jiraan maxaa yeelay hadhaw hadii Uurka uu waynaado waxa ku cuslaanaysa inay ay daawo haagsan qaadato, teedi kale markasta oo ay Raashiin cunto waa inay cadayato maalinkii 2jeer ugu yaraan hadii ay kari karto, Iyo sidii aan soo sheegnay qeebtii Ilkaha markii aan kasoo hadalnay.

2- Waxaa dhacda badanaa Inanata markii ay 4bilood tahay in ilkaha ay dhiigaan Cirridkana uu Casaado-guduuto- illaa ay ka dhasho marka waa inay ku dadaasho Vitamin C waana soo sheegnay waxa yaaba Vitamin C laga helo sida Basasha Orange- Burtuqaal- CanaNaaska ama ha qaadato Kaniinada ka kooban Vitamin C kaasi dhib malahan.

3- Dhareer badan waxa laga yaabaa in Inanta markii uu Uurka cusub yahay uu ku bilawdo dhareer yar xittaa ay dhacdo mararka qaarkooda Dhareer badan inuu isku badalo oo Inanta ay ku dhibtooto laakin markii ay seexanayso waxaa laga yaabaa in uu yaraado Dhareerka.

4- Timaha. Waxaa jirta Inanat in ay timaheeda ay daataan Qalalaan iwm, marka waxaa dhici karta inay iska tahay wax iska caadi ah marka ha sameyso in ay Timaha ku dhaqdo shambooyinka aan soo tilmaamnay iyo wixii aan soo sheegnay oo Dabiiciga ahaa.

5- Jirka Inanata Uurka leh. Ha mariso Inanata Jirkeeda Saliida Looska laga sameeyey aad ayuu jirka u ilaalinayaa oona Quudinayaa.

6- Fadhiga Inanta: waxa uwanaagsan markasta Inanta Uurka leh inay ka fogeyso Boodyaha iyo jilbaha caloosha si wax cadaadis ah ugu imaanin Caloosha hadii ay suuragal tahay in kursi horteeda la dhigo oo lugaha ay saarato. teedi kale ha iska ilaaliso inay marka ay fariisanayso Inanata ay lugaha is dulsaarto markii ay kursi ku fadhido Sida ay sameeyaan Dadka ahlul Kibirka ah. Inay marka ay seexanayso ama firaash ay ku seexanayso hurdo iwm ah in Barkin yar ay dhabarka u dhigta yeysan noqon Barkin wayn oo dhibta hadhaw markii ay is gedineyso.

Hurdad Inanata Uurka leh. Waxa ugu wanaagsan Inanata maalinkii Duhurka kadib Inay seexato 2saacadood oo kale Habeenkiina 8saacadood.

Ka fogow waxkasta oo hurda ka nixinaya iskana Daawey hadii ay jiraan, Cilaajka gaadh.

Markii aad seexanayso dhabar dhabar ha useexato Barkina hasaarto Lugaha si dhiiga dib usoo noqdo wax xanuun ah ama dhib kale ah ku imaanin.

Teedi kale Inanta waa useexan kartaa dhinac dhinac laakin dhabar dhabar ayaa u wanaagsan.

Dhaqdhaqaaqa Inanata waxa ugu wanaagsan dhaqdhaqaaqa ah: waa inay socoto hadii ay kari karto ugu yaraan nus saac illaa hal saacadood, ha socoto Inanata duhuradii hadii ay suura gal tahay hana ka fogaato meelaha dadka ku badan yihiin iyo hawadeeda wasakhda sida suuqayada IWM ay tahay, Teedi kale hoosha guriga ee laga maarmaanka ah taasi waxba dhib malahan.

Qubayska Inanata inay markasta ay qubaysato waa laga maarmaan waa ilaalin jirkeeda iyo caafimaadkeedaba illaa ay ka dhalayso waxba dhib malahan arintaa laakin ha iska ilaaliso inuu Ilmaha uu soo dhaco markii ay qubaysanayso.

Inanta uurka leh waxaa u wanaagsan kuqubaysato Biyo kulul iyo saabuun maalinkasta.

Dabaasha dhib malahan laakin gelinka hore maalinkii ha ahaato, waana dhaqdhaqaaq ay sameyso tan ugu wanaagsan Inanata Jirka wuu jilcayaa oo caawinayaa markii ay dhalayso laakin ha iska ilaaliso Inanata Dabaasha hadii uu waynaado Uurka.

Ha iska ilaaliso inay isticmaasho wax yaaba baabi'iyo Urta iney ku buufiso Xubinka Taranka.

Dharka. Inanata ha iska ilaaliso markasta inay xerato dharka ciriiriga ah, dhar waasac ah ha noqdo

Yey xeran kabaha iyo kaalsiyaha xeriga leh ama Jinyeer wuxuu cadaadinayaa dhiiga ha xerato kabo oo waasac ah oo fudud cusleyn aheyn, dhabarka ayuu dhibayaa.

Ha iska ilaaliso xariga dhexda lagu xerto faa'ido la'aan hadii laga maarmaan ay tahay si dabacsan


Intaan ayaa kusoo gaba gabay naynaa insha alahu Mawduucii aan ka hadleynay marka waxaan ka tagay laba mawduuc kale oo aad u dhaa dheer oo kala ah Dhirta faaidooyinka waa wayn ee ku jira oon dadka badankii ogeyn iyo Mawduuca ku saabsan Galmada-xiriirka Raga iyo dumarka- oon is iri badanaa dadka Muhin uma aha.

Waxaan ka cudur daaranaynaa inaan waqti badan u helin qorista mawduucaan.

waxaan kaloo ka cadur daaranaynaa dadka hadii uu afsoomaaliga meelaha qaarkooda uu fahmi waayo marka qofkii aan garan hasoo waydiiyo

waxaan kale ka cadur daaranaynaa meelaha qaarkood inaan aad u bal balaarinin anagana waxaan is niri faaidada uun hala qabsado faahfaahin dhaa dheer waxba ma ahan.

Waxaan kaloo ka cudurdaaranaynaa inaan sida Kutubta loo allifo qibrad wayn u laheyn

Waxaan Alle ka rajaynaynaa inuu ka dhigo mid dadka anfaco oo dartiisa loo sameeyey.

Waxaa mahad leh Alle subxaanahu watacaalaa

 WABILAAHI TOWFIIQ
 


Daraasad cusub oo xoojisay in mobile-du ay keenaan cudurka kansarka maskaxda
www.garwaale.8kcom
Daraasad cusub oo hor leh ayaa lagu muujiyey halista dhanka caafimaadka ee uu sababo telefoonada gacanta ee loo yaqaan mobile-ka, taasi oo lagu sheegay in ay qatar weyn ku keeni karaan qaybo ka mid ah maskaxda bini’aadamka.

Daraasadan oo ay maalgalisay hay’ada caafimaadka aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO ayaa lagu xusey in dakda isticmaala Mobile-ka ay qatar weyn naftooda galinayaan, gaar ahaan cudurka kansarka ku dhaca maxkaxda.

Daraasada oo ay soo saareen 31 saynisyahano uu u dhashay 41 wadan ayaa waxaa lagu ogaaday in singnal-ka mobile-ka uu wato gaar ahaan antenada ay waxyeelo u geysato qaybo ka mid ah maskaxda.

Kulan mudo todobaad ah ka socdey magaalada Lyon ee wadanka Faransiiska ayaa 31-kaasi cilmibaare oo ka tirsan hay’ada caalamiga ah cilimibaarista cudurka Kansarka ( International Agency for Research on Cancer (IARC) ayey ka soo saareen cilmi baaristan.

Agaasimaah guud ee IARC Christopher Wild ayaa talo ku siiyey in mobile adeegsadayaasha ay isticmaalaan sameecadaha, isla markaana ay fariin diris ka doorbidaan in ay mobile-ka ku hadlaan.

Cilmi baaristu waxay cadeysay in ay shucaaca anteenada mobile-ku ay tahay tan ugu weyn ee waxyeelada u keenta maskaxda bini’aamka, taasi oo sababi karta cudurada kansarka maxkaxda.

Hay’adda deegaanka Yurub ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey waxay dabada ka riixaysay cilmibaarisyo kala duwan, tani oo ku aadan cabsida in shucaaca telefoonada gacanta ama mobile-ka ay halistoodu la mid tahay qatarta bini’aadamku ka qaado sigaarka & uurada ama qiiqa patroolka.

Talooyinka haboon ee dhanka caafimaadka ee ku socda Mobile Isticmaalayaasha (Mobile Users)

  • Ku xafid mobile-kaaga boorsada, intii aad ku qaadan laheyd jeebka ama jirkeega meel aad u dhaw, waayo daraasad horey u soo baxdey ayaa muujisay halista ragga boorsada yar ee mobile-ka ku xirta suunka dhexda inay mobile-ka shucaaca ka baxa uu waxyeelo u geysto uuna hoos u dhigo 30% minada ragga ama sperm waxa afka qalaad lagu yiraahdo.
  • Adeegso fariin qoraal ama text messages ama email hadii ay macquul kuu tahay, intii aad mobile-ka ku hadli laheyd.
  • Isku day inaad isticmaasho sameecadaha dhageha ee waayir la’aanta ah (wireless headset), isku day inaad 20cm mobile-kaaga ka fogeyso madaxaaga, taasi oo 98% hoos u dhigta waxyeelada shucaaca mobile.
  • Iska ilaali in mobile-ka aad ku qaadato jeebabka sare, waxaa jira dad jeebka bidix ee shaararka ama jaakadaha ku qaata mobile-ka, kuwaasi oo soo dhicitaanka mobile-ku uu yimaado xili uu ku dhaw yahay wadnaha taasi oo ah waxyeelo kale oo halis ah.
  • Isku day in mobile-kaaga marka aad garaacdo aad ka sii eegto shaashada in uu kuu baxay, in lagaa qabtey & in uu iska dhacayo, si dhicitaankiisa ama hawo galistiisa aadan dhagta ugu heyn, telefoonada dambe oo dhan ee casriga ah waxay leeyihiin tilmaam in uu dhacayo iyo in lagaa qabtey.
  • Isku day inaad yareyso inta aad ku hadasho mobile-ka, laba daqiiqaba ha ahaatee waxay leedahay waxyeelo sida ay sheegayso daraasadu.
  • Ilmaha yar yar waxay halis ugu jiraan waxyeelada mobile-ku u geysto maskaxda, sidaasi darteed mar kasta ka ilaali inay ku hadlaan waqti badan.

    Ha sameyn wicitaan mobile-ka hadii aanay jirin awood anteenada (signal strength) waxaa wanaagsan in mobile-ku uu haysto qaadasho xiriir (establish a connection), inta badan daaraha hoostooda, wiishashka guryaha loo raaco & gawaarida dhexdooda waxay keenaan in mobile-ku uu awoodi waayo in uu xiriir (connection) sameeyo.

  • Dhabar Xanuun (Back Pain)



    www.garwaale.8k.com
    Xanuunka dhinaca hoose ee dhabarka, waxaa ku xanuunsada 4 ilaa shan qofood intii ah waqtiga ee noloshooda. Inta badan waxuu xanuunka ku dhammaadaa dhowr maalmo ah ilaa iyo dhoor toddobaadyo ah, laakin mar marka qaarkood waxuu qaadan karaa waqti dheer
    waana soo noqonoqdaa.

    Waxuu xanuunka dhabarka u imaan karaa si degdeg ah waxuuna ahaan karaa mid aad u xun (darran) ama waxuu u imaan karaa xoogaa-xooga intii waqti ah waxuuna keeni karaa dhibaatooyin waqti dheer ( joogto ah ).

    Dhinaca hoose ee dhabarka, waxuu ka samaysan yahay 5 xaroor ee loo yaqaan sida L1 to L5. Waxuu gobolkaan sidaa culayska oo dhan ee
    dhinaca kore ee jirka (ee lagu daray culayska dheeriga ah ee uu sido) waxuuna yahay mid ku jiro hawl aan kala go’ lahayn gaar ahaan markii la rogmanaayo, la jeedjeedinaayo iyo markii wax la qaadaayo.



    Waxuu dhismaha isku jiro ee dhinaca hoose dhabarka la micno yahay haddii wax yar oo dhaawac ah gaaro wax kasto ka mid ah dhismaha dhabarka inuu keeni karo xanuun aad u badan iyo raaxo la’aan. Xanuunka dhinaca hoose ee dhabarka waa astaanta inuu jiro murugo u keentay dhaawac xirgaha, murqaha, xirgaha fiibarka ama saxuunta (discs).

    Inta badan dhabarka isagaa is-raysiiyo laakin haddii aad u darran yahay uuna yahay joogto waxaa laga maarmaan ah in la doonto talada caafimaadka si loo ogaado si sax ah loona helo daawayn ku habboon.

    Sababaha
    Inta badan dhabar xanuunka hooseeyo waxaa loogu yeeraay sida ‘ mid aan lahayn meel gaar u ah’ sababta oo ah inuu keenay dhaawac ama cudur aan aad u darnayn, laakin ay keeneen laabniin, murqaha oo aadkaadaan, dhaawacyo yar-yar ama jirka oo meel qabsaday ama dhimirka ay wax yar gaaray. Waxaa kale uu ku dhici karaa markii uu jiro uur, ama sabab murugo leh, bukasho, bukashada kilyaha ama hurdo xumi.

    Waxaa dhabar xanuunka keeni karo waxqabadyo maalimeedka: si xun u fooraarsi, wax qaadis, wax dhaqdhaqaajin, qunfacid, hindhisid, murqaha oo isgalaan, jirka oo isgalo ama wadidda gaariga oo waqti dheer qaadato iyada oo marna la joojin. Shilalka guriga, shaqada, ama markii la wado gaariga ( oo ku jiro dhaawaca qoorta ) waxayna yahiin sababaha guud.

    Qaabka ugu caansan ee dhabar xanuunka darran waxaa keeno bararka ama murqacashada mid ama ka badan ee saxuunta ku dhex jirto xaroorka oo keenayo in maaddada qoyan (nucleus pulposus) u riixaan dhinaca xirigga xaroorka ama xididdaha dhimirka ee u cararo saxab xigeenka.

    Waxaa sidaan loo yaqaanaa caadi ahaan sida saxanka ‘ saxanka taranturooday’ laakin waxaa si aad ah oo sax ah loo tilmaamaa inuu
    yahay sida ‘ horay u fakaday’ (bararid ) ama ‘ herniated’ ( murqacday); dhusha saxanka ayaa wax ka soo da’aayo intii oo waxa soo soconaayo ayaa keenaayo dhabar xanuunka
    laakin xitaa xanuunka maskaha, cajiraha iyo lugta oo sababtuna tahay carada dhimirka xagga dambe ee jirka.

    Sida caadiga ah saxanka wuu gurmaa waxuuna la qayirmaa da’da. Ama waxuu daba socdaa dhaawaca. Waxuuna sidaa ku keenayaa inay saxuunta ay yareeyaan tanaasulka, ay waxtar yar u yeeshaan inay jiifiyaan xaroorka, sidaasi darteedna inay guud ahaan keenaan adeeg
    iyo xanuun, gaar ahaan aroorta hore una keenaan wayeelka lafo xanuun (markuu ku dhaco osteoporosis).

    Waxaa keeno dhabar xanuunka hoose xitaa tiro kale oo xaalado ah sida xaroorka oo dhasho isaga oo xun, cudurada lafaha, burooyinka, cudurada holacsan ee qaska (PIDs), waxyaabo xun ee lagu dhasho, iyo kaadi-galeenka.

    Waxa lagu ogaaday baarista
    Waxa lagu ogaado baarista lagu sameeyaa astaamaha iyo baarista jirka. Markii laga shakisanyahay dhibaatooyinka saxuunta waxaa la sameeyaa x-ray, skaanka tomogarafiyada ee la mariyay computer-ka (Skaanka CT ama Cat), ama skaanka ee dhawaaqa birqabadka (MRI) ayaa lagu talin karaa si loo helo warar sax ah.

    Daawaynta
    Waxa haatan lagu taliyo in lagu daaweeyo dhabar xanuunka waxuu yahay:
    • Isticmaalka xunuun-dilayaasha;
    • Isticmaalka daawooyinka ka hortagga holaca iyo xanuun-dilayaasha (marka koowaad kala tasho farmashiistaha ama Takhtarka Guud);
    • Sii wadidda waxqabadyada caadiga ah halka ay ka suurto gasho;
    • Daawaynta osteopath-ka, chiropractor-ka, jir-jimciyaha, amacirbad-durid adeegsadaha ee ah xirfadlayaal ayaa kaa caawini karaan, waxay kale ay daraasaadka muujiyeen in talada ah in la raaco waxqabadka inay u tahay waxtar jirdhismeedka xanuunka fudud;
    • Sii wad shaqada, ama si degdeg ah uga soo laabo haddii ay suurto gal tahay;
    • Waxaa fiican inaad ku nasatid sariirta in aan ka badnayn labo maalin, in ka bdan waxay keeni kartaa waxtar xumo;
    • Sameey layliga jimicsiga si loo xoojiyo murqaha iyo si loo simo dhinacyada;
    • Isticmaal kuleel (warqad kulul ama qubays kulul) ka dib maalmo markii uu dabco xanuunka murqaha;
    • Waxaa ku caawini karo qalabka ah ultrasound (kumbuyuutarka) si loo yareeyo holaca.

    Mar mar aad u darran waxaa loo baahanaa qalliin ah sida microdiscectomy, oo keenaayo in la dayacatiro meesha quran tahay ama saxanka murqacday, ayaa lagu talin karaa.

    Ka hortagga
    Si uusan kuu qaban dhabar xanuunka waa inaad yaraysaa murugada saa’idka ah iyo dhibaatada dhabarkaada, aadna sugtaa inuu dhabarkaada noqdo mid xoog iyo fudeed leh. Waxaa kale lagu dabaqayaa talada dhabar xanuunka joogtada ah, lehna dhacdooyinka
    soo noqnoqdo:
    • yareey culayska saa’idka ah,
    • Sameey layliga jirdhiska si aad u sii hagaajisid dhabarkaada iyo murqaha calooshaada,
    • U sin si fiican dhinacyada jirkaada,
    • Ku seexo sariir iyo joodari fiican,
    • Sax qaadista iyo gacan ku qabadka alaabaha,
    • Weecashada adkaynta iyo isgalka muruqa ee kediska ah
    • Isku day oo yareey murugada, lab-lakaca iyo kacsanaanta
    • Sameey jimicsi joogto ah (socod ama dabaalasho waxay u fiican yahiin kuwa qabo dhabar xanuunka).

    Wax kabaro Caafimaadkaaga Health Murugo ama Buufis (Depression)


    www.garwaale.8k.com Bukaan eegida la xiriirta xaaladaha murugada waxa weye dhibaato ku timaada caafimaadka taa soo kula aada meel shishe oo ku dareensiisa “shucuur weyn.” Dhibaatadan waxay saameyneysa qeyb kasta oo noloshaada ka mid ah. Waxaa laga yaaba in aad dareentid in aad ka soo toosin aroortii sariirta. Waxaa laga yaaba in aad ka fikertid dhimasho.

    Murugada waxay dhaci karta ka dib marka noloshaada ku timaado dhacdo sida dhimasho, isbeddel shaqo, dhalmo ama guurid. Jiradaan waxay saameeyn karta qof kasta oo da’ kasta uu jiro. Arintani waxay ku abuuri kartaa jiro weyn (sida cudurada keena laleemada ama Parkinson).
    Murugada waxay beddeli kartaa niyadaada sida ay tahay iyo fekirkaaga. Xanaanka fekirka ee aad qabtid marka aad murugooneysid waxay kaa dhigaysaa “naxariis la’aan” waxayna adkayneysa in aad xalisid dhibaatooyinka.

    Calaamadaha murugada

    Calaamadaha bukaanka murugaysan ma aha mar kasta mid la aqoonsan karo. Calaamadaha waxay ka mid yihiin:

    • dareemid tiiraanyo ama xanaaq fudud (dareemadaas kama tagaan) 2 isbuuc ama ka badan• ka lumid xiisayn iyo farxadba maalinba- maalinta xigta (waxa ku jira isu-tagga)
    • Helitaan isbeddelo ku yimaada rabitaanka cuntada iyo culayska miisaanka
    • Helitaan dhibaato ku timaada hurdada (sida hurdo aan ku filnayn ama hurdo aad u badan)
    • Dareemid nasasho la’aan
    • Dareemid daal ama helitaan tabar yari
    • Dareemid rajo-xumo, qiimo lahayn ama dembi
    • Helitaan dhibaato adag ama go’amo ka gaarida
    • Helitaan dhibaatooyinka ku yimaada jirka kaa soo war celinaynin si loo daweeyo
    • Helitaan kefir badan oo ku saabsan dhimasho ama is-dil.

    Daaweynta Murugada

    Baaris cafimaad ka dib, bixiyaha daryeelka caafimaadkaaha wuxuu sheegi karaa haddii aad qabtid murugada. Tani macnaheedu ma aha in adigu aad “waallan” tahay. Ama aad tahay qof guul darraystay.
    Sida jirooyin badan, murugada waa la daweyn karaa. Daaweynta sida caadiga ah waxaa iskugu jira daawo la qaato, ula-talin iyo is-daryeel nafsadeed.

    Daawada

    Waxaa jira daawooyin kala gedisan oo loo istic-maalo daaweynta murugada. Adiga iyo bixiyaha daryeelka caafimaadkaaga ayaa gaari kartaan daawada kuu wanaagsan. Qaado daawo kasta sida kuu siiyo bixiyaha daryeelka caafimaad-kaaga. Waxay qaadan kartaaisbuucyo yar ka hor inta aad ka dareemaysid caafimaad wacan. Waxaa kaloo laga yaaba in aad u baahatid in daawada beddelatid. Daawooyinka ama arag dhakhtarka cilmi nafsiga (kaa soo u leh tababar khaas ah daawooyinka murugada). Fadlan samir yeelo. Hawshaan waxay qaadanaysa isbuucyo yar.

    La-talinta

    Waxaa laga yaaba in aad ula shaqeysid bixiyaha daryeelka caafimaadkaaga ama dhakhtarka takhasuska u leh cudurka maskaxda kaa soo wax ula-taliya. Ka hadalka waxa ku saabsan dareenkaaga waxa aad ka bixi karta “dhibta” ee aad ka qabtid fekirada diidmada ah. Ula-talinta waxaa kaloo laga yaaba in ay kaaga caawiso si gaar ah waxyaalaha kugu kordhiya murugada.

    Daryeelka-nafsada

    Si waaqici ah u diyaari guusha horumarkaaga:- Raysashadaada waxaa laga yaaba in ay waqti qaadato. Haddii aad qabtid hawl ay u muuqato in ay aad u weyn tahay, waxa aad u kala jebisaa qeybo yar yar. Nafsadaada abaal-mari marka aad guul:- Gaartid.
    Baro waxa ku saabsan murugada. Bixiyaha:- Daryeelka caafimaadkaaga wuxuu soo jeedin kara waxyaalo akhris qaarkood.
    Raadi wax-qabadyada caafimaadka wacan:- Kuwa soo ku dareen-siinaya wanaag. Waxaa laga yaaba in aad ka biloawdid waxa aad jeceshahay ama qaado fasalo.

    Waxa aad xafidaa wargeyska horumarka:- Noloshaada. Xusuus qorna ku sameey waxa ku saabsan waxa adigu aad dareemaysa.
    Ka fakir waxa ku saabsan dhibaatooyinka:- Qoyska, waxa ka lumay ama murugada dhacdooyinka kale ee laga yaabo in ay sii kordhiso murugadaada.

    Ka fakir waxa ku saabsan sida aad ugu biiri:- Lahayd waxbarasho ama taageerid kooxda wax ka qabata murugada. Bixiyaha daryeelka caafimaadkaaga waxaa laga yaaba in uu hayo liis ku qoran kooxaha taageeradda ee nawaaxiga aad degan tahay.
    Sameey hawshan sii aad noqotid mid firfircoon ah.

    Isku-day in noloshaada ay noqoto mid ku firfircoon bulshada dhexdeeda.

    Ka digtoonow waxa ku saabsan isticmaalida:- aalkolada iyo waxyaalaha kale. Aalkolada iyo dejiyaha (dawada hurdada keenta) waxa ay yihiin waxa keena murugada. Waxay ka dhigayaan in murugadaada ay meel xun gaarsiiso. Murugada waxay kuu horseedaysaa in aad qaxwo badan cabtid, sigaar badan cabtid ama aad qaadatid daroogooyin kale kuwaa soo samayn doona in six un wax u dareentid.

    Kala hadal bixiyaha daryeelka caafimaadkaaga, qoyskaaga ama asxaabtaada waxa ku saabsan afkaar kasta oo la xiriirta is-dil ee adiga qabtid.Noqo qof samir leh. In aad dareentid wanaag:- Waxa qaadan doontaa waqti iyo dadaal.


    Ma dhabaa in cunista Muuska ay hoos u dhigto halista cudurka Stroke;

    Free counter and web stats

    mabrook_11@hotmail.com

    CUDURKA BAABASIIRKA

    walaala yaal alle subxaana hu watacaalaa ayaa mahad oo dhan iska leh allahaas oo noo suurta geliyay inaan isku baraarujino wixii kheir ah naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaato nabigeenii suubanaa S.C.W. Intaa kadib walaal waxaan halkaan idiin kugu soo gudbineynaa warbixin ku saabsan cudurka baabasiirka. Cudurka baabasiirka waa cudur jira soona jiri jirey waqtiyo aad u fog. Cudurka baabasiirka waa cudur gur guurta isla markaana aheyn cudurka qabatinkiisa ama waxyeela diisa deg deg tahay laakiin waa cudur halis ah isla markaana qatar gelin kara hab nololeedka qofka qaba cudurkani. Calaamadaha lagu garto cudurkani waxaa ka mida

    1: daal fara badan: daal la dareemayo marka qofka ku dhex jiro shaqadiisa ama socodka iyo guud ahaan daal fara badan.

    2: caajis badan: caajis saameeya qofka inta badan noloshiisa gaar ahaan waqtiyada qofka hurdada ka toosayo.

    3: madax xanuun: madaxa oo ku xanuuna sida maskaxda oo kale mar mar ama si joogta ah ba.

    4: dareenka jinsiga oo hoos u dhac ku yimaado: ragga iyo dumarka ba waa ay saameysaa arrintani ragga ayaa se sii daran.

    5: muruq joogta ah ama mar mar ah. Muruq 2 da garbood kaaga taagan ilaa qoorta xabadka oo xanuun laga dareemo.

    6: xubnaha taranka ragga sida xiniinyaha iyo xubinka taranka oo yaraada ama 1 xiniin ama 2 da ba oo yaraada.

    7: miskaha iyo wareega dhabarka kilyaha oo xanuuna.

    8:gaas oo inta badan kula dersa ama aad dareento mararka qaarkood.

    9: hoos u dhac guud ahaan jirka ah adiga oo maleynaya in hoos laguu jiqayo.

    10: murqo xanuun: murqaha jirka oo ku xanuuna inta badan ama mar mar ah.

    11:calool fadhi: caloosha oo aan socod laheyn oo aadan suuliga tageynin inta badan calooshaada oo aan waxbo ka imaanin.

    12: hilmaan fara badan oo aadan lahaan jirin: adigoo si fudud wax kastaa ku hilmaamaya.

    13:wahsi badan.

    14: ragga oo iyagu durba biya baxa marka isku tagga ragga iyo dumarka.

    15: dulqaad yari.

    16: cun cun salka hoose.

    17: aragtida indhaha oo yaraata indhaha oo caad fuulo aakhirka na gaara ilaa heer indho fiiq.

    18:infection. Infection mar mar joogta ah sida dhanka kaadi mareenka.

    19: hamiga damaca jinsiga oo yaraada ama meeshaba ka baxa mararka qaarkood.

    20: dhalmo la aan. Dhalmada oo hakad ku yimaada ama la waayaba dumar iyo ragba.

    21: saxrada oo dhiig la socda mararka qaarkood dhiig yar oo saxarada dhinac ka heysta.

    Marka yuu ku dhici karaa cudurkaan saameyntiisu badan tahay?

    Qofkasta ayuu ku dhici karaa cudurkaan rag iyo dumar qof weyn iyo qof yar ba. Saameynta cudurkaan waxey qaadataa mudo dheer oo gaareysa sanado in uu fahmo qofka cudurkani marka laga reebo astaamo dhowr ah oo qofka ku fahmi karo si dhaqsa ah in cudurkani la dersay. Waxaana ka mida.

    1: calool fadhi. Caloosha oo aan ku socon ama xaaladeedii wax iska bedelaan dhanka saxarada.

    2: tabar yari xagga raganimada ah

    3: daal fara badan.

    4: caajis badan.

    5:cun cun salka ah ama kuus kuus yar yar ah oo salka hoose meesha saxarada ka soo baxa

    6: saxarada ooo dhiig la socdo. Calaamadahaan iyo kuwo kaloo ka badan waxaa leh cudurka baabasiirka. Cudurkani mala kala qaadaa?

    Haa cudurkani waa la kala qaadaa waana cudur la iska dhaxlo oo hadii 2 daada waalid ama midkood qabey waa kugu dhalayaan.

    Cudurkaani ma sababi karaa cuduro kale?

    Haa cudurkaani wuxuu sababi karaa cuduro badan waxaana ka mida

    1: cudurka dhiig karka

    2:cudurada ku dhaca dheefshiidka.

    3:sanboorka

    4: gaas

    5:dhagax yada kilyaha ku sameysma

    6: dhiig la aan ama aneemiya.

    Cudurkaani daawo maleeyahay?

    Haa cudurkaani daawo waa leeyahay inshaa allaahu tacaalaa cudurkaan daawadiisa waxaa la qaataa muddo 2 bilood ah dawooyin afka laga qaato kaliya ayaa na wax ka tari karo oo baa bi in kara. daawooyiin la hubo wax tarkooda iyo talo iyo tusaaleyn badan kala soo xiriir dhaqaatiirta page kan ka howl gasha. Inshaa allaah dhaqaatiirta ayaa kaa saacidi doontaa habka ugu haboon iyo qaabka ugu wanaagsan ee aad daawooyinka ku isticmaaleyso iyo sida ugu wanaagsan ee daawooyinka laguugu soo gaarsiinayo. Dal iyo dibad ba waxaad nagala soo xiirii kartaan telfoonada iyo cinwaanada kor ku xusan. Dadka ku sugan dibada ka baxsan kenya daawooyinka waxaan ku gaarsiinaa qaabka postada loo yaqaano. Inshaa allaah ku soo dhawaaada amaano iyo adeeg nadiif ah. Mahad sanidiin.

    CUDURKA BAABASIIRKA

    Cudurka baaba siirka waa cudur aad uga

    dhex jira bulshadena. Cudurkani waa

    cudur si fudud ku faafa islama markaana

    dhibaatoyin badan ku keena dadka uu

    haleelo. Cudurkani wuxuu sababi karaa

    xanuuno badan wuxuna awood u leyahay inuu burburiyo difaaca jirka. Cudurkana

    waa cudur muddo gaaban wada

    saameyn kara jirka qofka uu haleelo oo

    dhan. Sababta ayaa ah in cudurkani dago

    marka hore ba xubnaha aasaaska u ah

    banii aadamka. Sida xubnaha taranka dheef shiidka nervious system ka iyo

    waliba isago marka dambena saameeya

    neef mareenka. Sidoo kale wuxuu

    cudurkani saameeyaa kilyaha iyo kaadi

    mareenka. Calaamadaha lagu garto

    cudurkaan ayaa ah sida tan. 1. Daal fara badan

    2.madax xanuun

    3.caajis fara badan

    4.dhabar xanuun

    5.gaas joogta ah

    6.infection 7.aragtida indhaha oo yaraato.

    8. Wareer

    9.dhalmada oo hakad ku yimaado dumar

    iyo ragba respectively.

    10.caado wareer dumarka

    11.tabar yarida raganimada.

    12. Xanuun kaa haleela dhinac ama bar

    bar dhan oo is wata. Sida lug sinta wad

    ilaa madaxa la gaaro.

    13.Muruq aan bixin oo joogta ah.

    Marka xanuunkan waa xanuunka ugu

    sameynta badan xanuunada gurguurta ee qofka la socon kara muddo dheer.

    Daaweyn la hubo wax tarkeeda ayaa

    jirta oo cudurkani lagu daaweeyo inshaa

    allaah caafimaad deg deg ahna aad ka

    heli doonto. La soo xiriir dhaqaatiirta ka

    howl gasha website ka daawada hadii aad dareento xanuun kan si wax badan

    lagaga caawiyo.