Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

Ku Soo Dhawaada Website-ka Hassan Sidow Ibrahim Maxamed

Qeybta Caafimaadka Guurka Wanaagsan Arimaha Bulshada Diini  Maah Maahyo Sheekooyin Jaceyl Geeraaro  Fareemo Jacayl Talo Siin Jaceyl Qisooyin Jaceyl Xanuun Badan Calaa'cal Jacayl Backgrounds Naqshado Cilaan Saar Kororso Aqoontaada Ahmiyada Cibaadada Salaadda FLOWERS  Dhacdooyinka  Caafimaad Qeybtii 2 aad Qisooyin Jaceyl Q.2aad

La'dhaqanka Bulshada

 ARIMAHA BULSHADA

Lamaane xeyndaab jaceyl dhexda kaga jira waa kuwa u nugul arrimo ay ka mid yihiin in ay kala irdhoobaan oo ay kala furtaan oo noqda lamaane banaanka kala mara, taasina ay keento in ay burburto rajadii ay qabeen labada dhinac oo aheyd si ay u gogol xaaraan wado mustaqbal nololeed loo maro tan ugu wanaagsan uguna qiimo badan, ha yeeshee waxaa sidoo kale dhacda in qoys dhisan ay noqdaan kuwa u martiya maalmo mugdi ah oo ay lamaanayaashu dhadhimayaan.

Dhibaatooyinkaasi aan ka hadlay waxaa keeni kara siyaabo badan laakiinse halka aan doonaayo in diirada ku ifiyo waa maseyrka oo kaalin mug leh ka qaata soo dedejinta burbur ku yimaada qoys dhisan, jaceyl ugub ah amase gaamuray.

Maseyrku waa dareen ku beeran aadanaha, waa dareen ka soo daahira qof kasta laakiinse baaxada iyo shakiga dhaliya ay tahay hadba sida qofku u dareemo laakiinse ay kala duwanaan karto sida qofkaasi u dhaqmo oo ma waxay noqon kartaa mid dadka dhagahooda ka maajisa/yaabisa? Dhibaatada ay keeni karto cida ay saameynta ku leeedahay? Qatar intee le'eg ayaa ka imaan kara? Waa su'aalo u baahan in loo helo jawaabo isla jawaabahaasi waxa ay qancin u noqon kartaa amase xadidi kartaa ruux la kulmay maseyrka

Arrimaha fududeeya buunbuuninta maseyrka iyo ka badbadinta wax uusan aheyn maseyrka waa kuwa noqday wax iska caadi laakiinse u baahan in loo fiirsado oo feejignaan laga galo si nafta xarig adag loogu dabro/xiro, tusaale waxaa maqleysaa maseyr dartiis qof baa is gubay!!!!!!!!!!!!!! Naag baa ninkeeda saliid u karkarisay oo teedana dusha kaga rogtay!!!!!!!!!!!!!! Nin baa naagtiisa dilay oo waxyaabo kale oo badan oo intooda badani ay ka dhacaan caalamka wallow Soomaliya ay ku yartahay sahashiga iyo fududeysiga in qof wax yeelo loo geysto maadaama ay soomaalidu 100% muslim tahay

La sheekeysiga maskaxda........waa qodobka koowaad ee maseyrka keena qofkana ku riixa in uu qoorta la gelo mashaakil halis ah, oo waayo hubsiimo hal baa la siistaa waa maahmaah soomaaliyeed oo u baahan in lagu saleeyo boqolka su'aal ee qofka is weydiiyay jawaabaheeduna isla qofka uu ka jawaab bixiyay, ujeedka ayaa noqonaaya jawaabuhu ma yihiin kuwa xaqiiq ah? Taas bedelkeeduna waxaa haboon in aad maskax la sheekeysigu aad ku bedelato u kuur galid xaqaa'iq raadin oo salka ku heysa in aad hesho waxa rasmiga ah ee jira si aad uga nabad gasho in aad marin habaawdo oo aad ka lunta jidka saxda ah

Kalsooni daro.....ereygan sifada uu leeyahay waa mid u baahan faham si aan u kala ogaano waxa ay tahay kalsooni daro, tusaale caqli ku garaadluhu waa kan fahamsan laamiga ka baxa magaalo in aakhirka uu tagaayo magaale kale, halka indho ku garaadluhu laamiga ka baxa magaalo uu fahamsan yahay in indhihiisa ku arki doono in uu laamigaasi tegi doono magaalo labaduna waa kaaf iyo kala dheeri oo u dhaxeeya xagga fahamka, waxaa kaloo loo fasari karaa qalbiga haddii aad u sawirto in jaceylkaada marka aad kala maqan tihiin in uu ku qiyaano oo uu la haasaawo qof kale qalbigaada shakigaas suurto gal ma noqoneyso in uu sahal uga baxo, balse xalka waxa uu noqonayaa kalsooni in ay jirto si hakad loo geliyo shakiga oo abuura maseyrka

Is yasid nafeed..............lamaanaha aad wada joogtaan waa mid barta dad kala martabad duwan tani ayaa keeni karta dhiiro gelin maseyr ah oo waayo dadkoo idil ma simna xagga dabeecada, maalka, quruxda, hadal macaanida, magaca iyo maamuus qof leeyahay, dhacdadan ayaa inta badan la soo derista lamaanayaasha  oo qofku waxa uu sawiran karaa in uu is yaso oo uu maanka geliyo fikrado qalafsan oo taageeri kara maseyrka

Ka fiirsasho hadalada keeni kara maseyrka............ ka shekeeynta taariikhaha hore ee uu qofku soo maray waa tan keenta in la is aamini waayo oo haddii dhegahaagu maqlaan ereyo ay ka mid yihiin sida tan soo socoto maxaa dareemi laheyd " waxaan ahaan jiray aftahan soo jiida ragga/dumarka isla markaana dhalaalin jiray waxaa ka daran aniga waxaan ahaa ruux shabis badan ( oo haasaawihiisu badan yahay ) waxaan garanayaa meelaha jilicsan ee ragga/dumarka dareenkooda laga kiciyo kadibna ka faa'ideysta oo ka sameysta waxa aan rabo!!!!!!!!! Ereyadaas iyo kuwa kale oo la halmaala waa qatarta qofka ku abuuri kara markiiba maseyr degdeg ah

Daraasaynta ereyadan iyo dhaqan gelinta waa kuwa aan hubo in aad kaga badbaadi doonto in aad noqoto qof maseyr badan, ujeedkana ma aha maseyrka oo dhan iska suuli oo taasi ma dhici karto sababtoo ah farxada, murugada, baqdinta iyo maseyrkuba waa kuwa ku beeran bini'aadamka laakiinse fahamka ayaa noqonaayo in aadan noqon qof dareenka maseyrka u horseeda cawaaqib xumo iyo wax yeelo aad gaarsiiso naftaada iyo naf  kale toona waxaan hadalkayga ku gaabshay maseyrka waxaa keena jaceylka dhabta ah ee aad u qabto ruuxa aad ifka ugu jeceshahay haddii aad la kulanto dhacdo ku maseyr geliyay fadlan ha ilobin qodabada kor ku xusan.

Haweenka ayaa ku kala duwan soo jiidashada ragooda ,gabar waliba tab u gaar ah ayaa jirta oo aysan ragga ku iloowin . Balse qodobadaan soo socda gabaryahey ogaaw ragga waa ka siman yihin hadaad leedahay tilmaamahaan ogaaw ninkaada kuma iloobayo.
Naagta Sabarka Badan: ninka ma iloobo naagta u sabarta , una u dulqaadata culeysyadiisa .
Naagta Caqliga Badan: naagta caqliga badan  waa midda  garaneysa sida ay ula tacaamuleyso ninkeeda .
Naagta Qurux Badan: Ragga ma iloobaan naagta quruxda badan  ee degan isla markaana jecel xasiloonida.
Naagta Cafiska Badan:Ninka si weyn ayuu u jecel yahay naagta cafisa marka uu qalad ka galo isla markaana saamaxda ninkeeda.
Naagta Naxariista Badan: naagtas waa midda ilaalisa dareemaha ninka isla markaana kool koolisa ninkeeda.
Gabaryahay ogaaw ninka waa cunug weynaaday daryeel badan ayuu u baahan yahay.

AABE LA'DARDAARMAAYO WIILKIISA  OO AROOS  AH

Aabaha ayaa wiilkiisa siiyay fariin dardaaran ah , taasoo qof waliba oo rag ah oo guursan raba looga baahan yahay inuu ka faa'ideysto waanadan.

Aabaha ayaa hadalkiisa ku bilaabay.

Wiikeygiyow, hodantinimo iyo farxad ku heli meysid gurigaaga ilaa iyo inaad iga aqbashid toban tilmaamood oo lagaaga baahan yahay inaad ku dhaqaaqdid oo aad fulisid, waxaana kaa doonayaa inaad xafido oo aad ku dadaashid.

Midda koowaad iyo midda labaad: haweenka waxay jecel yihiin in la isku muujiyo , loona cadeeyo jaceylka, ee wiilkeygiyow xaaskaaga haka baqiilin inaad u bandhigtid jaceylka , hadii aad bakhiil dhankaas ka noqotid , adiga iyo iyada waxaa idin soo dhexgalaya mugdi iyo is afgaranwaa , waxaana hoos u dhacaya kalgaceylkii aad isku qabteen.

Midda sadaxaad: wiilkeygiyow haweenku waxa ay neceb yihiin ninka go'aankiisa uu adag yahay , waxayna adeegsadaan ninka laciifka ah ee jilicsan, ee tilmaan kasta waqtigeeda la imoow , waxaad -na xaaskaaga ugu baaqdaa jaceyl iyo xasilooni oo ay ku jirto deganaansho.

Midda afaraad : wiilkeygiyow dumarku waxay jecel yihiin in nimankooda ay ka helaan hadal macaan , muuqaal qurxoon,labis qurux badan iyo udgoonka carafka badan ee jirkiisa iyo dharkiisa ee sidaa ku dadaal , waxaana kaaga digayaa inaad xaaskaaga hoosta ka gashid adigoo dhidid badan uu qoyay jirkaaga iyo dharkaaga , waxaad-na xoojisaa nadaafadda iyo bilicda .

Midda shanaad: guriga waa boqortooyada dumarka , waxaana ay ku dhex dareentaa xaaskaaga in afartiisa gees ay iyada xukunto oo marwo ay ka tahay , wiilkeygiyow waxaan kaaga digayaa inaad burburisid boqortooyadaasi oo ay xaaskaaga ku nooshahay , ayna maamusho, waxaan kaloo kaaga digayaa inaad ka ceyridid boqortooyadaasi oo ay ku nasato , waxaan markale kaaga digayaa inaad awoodda guriga ka qaadid oo aad furtid , waayo taasi waxay abuuri kartaa cadaawad .

Midda lixaad: wiilkeygiyow , haweeneydu waxay jeceshahay inay ninkeeda kasbato oo ay soo jiidato ,qoyskeedana ay xiriiriso, waxaan kaaga digayaa in nafsadeeda iyo ehelkeeda aad isku mid ka wada dhigtid oo hal miizaan aad wada saartid , waa inaad xaaskaaga ku tiraahdaa inay kala doorato ehelkeeda iyo adiga , waxaad ogaataa hadii ay ehelkeeda ay doorato in had iyo jeer cadaawad joogto ay jiri doonto oo gurigaaga aanu deganaansha ka dhex jiri doonin marnaba oo faragelin hoose iyo mid muuqata laguugu sameyn doono hab maamulka qoyska.

Midda todobaad: dumarka waxaa laga abuuray feer qaloocan, taasina waxaa ku jiray sirta quruxda iyo soojiidashada , waxaadna ogaataa in abuurka allah aanu ceeb aheyn..hadaba hadii ay qalad xun oo aan naxariis laheyn ay sameyso xaaskaaga ,fadlan iskuday inaad toosidid qalooca jira adigoo ka taxadaraya inaad jabto , waayo jabkeeda waa furiin, hadii ay qaldanto haku siideynin inay qalooca sii wadato oo uu dhibka sii kordho, ha noqonin qof dabacsanaan badan , ha noqonin qof ad adeeg badan , waxaad noqotaa nin heer dhexe ka ah labadaasi arrimood.

Midda sideedaad: dumarka waxaa loo abuuray inay fogeeyaan ehelka , ayna diidaan wanaaga , hadii hal waqti aad wax wanaagsan u qabatid , waqtiga xigana aad xumeysid, waxay kuugu jawaabtaa oo ay ku oraneysaa " weligaa wax kheyr ah kaama arag, iimana aadan sameyn" , hadaba waa inaad ugu dulqaadataa arrinkaasi oo aanad u moodin naceyb ay kuu qabto , kadibna aad ka carartid , hadaba wiilkeygiyow waxaan kaaga digayaa inaad degdeg ku furtid xaaskaaga oo nin kale oo arrintan raali uga noqonaya uu guursado.

Midda sagaalaad: haweeneydu waxay la soo gudboonaada xaalado tabar darro jismiyadeed iyo mid nafsaani , xitaa allah wuxuu ka cafiyaa waxyaabo badan oo waajib ku ahaa gudashadeeda , waxaana loo cudur daaray dukashada salaada xilliyada ay qabto dhiigga caadada iyo dhiigga dhalmada , waxaa sidoo kale loo cudur daaray soon-ka inta ay qabto labadaasi dhiig ilaa iyo inta caafimaadkeeda uu ka soo laabanayo, waxaad xilligaasi u noqotaa kaaliye gacan siiya oo u fududeeya waxyaabaha ay u baahan tahay , waa inaad xilligaasi aad yareysaa amarada aad siineysid , waayo ma ahan qof ka bixi karta oo gudan karta howlo badan oo aad u dirtid waqtigaasi.

Midda Tobanaad: wiilkeygiyow waxaad ogaataa in gabadha xaaska kuu ah ay tahay mid kuu qafaalan oo maxbuus kuu ah ee fadlan u dhimri una naxariiso , hana ku xadgudbin , waayo waa qof tabar daran oo laciif ah , hadii aad wanaajisid waxay kuu noqon doontaa raaxadii aad filaneysay iyo kheyrkii aad sugeysay, hadii aad xumaan ku qaabishidna waxay kuu noqon murug iyo mugdi mustaqbalkaaga galay ee sidaa ku dadaal.

Aabe waan kuu duceeyay, cadowgaaga ha jabo, weligaa guul ku waar.

mabrook_11@hotmail.com

galdiid@yahoo.com

HOOYO LA' DARDAARMAYSO GABADHEEDA OO AROOS AH

Hooyo ayaa gabadheedii la fariisatay inta aynan guriga habeenka koowaad ee aroos-ka ah la geeynin , waxaana ay u sheegtay dardaarankani.
Waxaana hooyada ay ku tiri gabadheydiyeey hadii aad iga aqbasho dardaarankan aan kuu hayo waad ku guuleysaneysaa guur-kaaga.

Marka hore , waxaad ogaataa inaad ka baxday nolol una baxday nolol kale , kan tagtay guri una guurtay guri kale , waxaad noqotaa sidii hirar-ka badda oo dabeyluhu ay rog rogayaan , waxaad-na iga fahamtaa ereyadan aan ku leeyahay
:-
Hadii uu gacanta kuu soo taago habeenka koowaad ee aroos-ka , waxaad u muujisaa dabacsanaan , deganaansho,farxsad iyo furfurnaan.
Hadii mid ka mid ah garbahaaga uu qabsado , wax wal wal ah ha dareemin
.
Gabdheydiyeey ogsoonow , in jaceylku uu ka yimaado qalbiga , ee u muuji jaceyl , una noqo qof daacad ah , amarkiisa qaado , wixii uu kaa diidana ka joogso oo ha mucaaradin fikirkiisa , hadii uu qaldan yahay si degan wax u fahamsii oo u sax .

Gabaheydiyeey .. u noqo ninkaaga hooyo dhanka xanaanada ah , u noqo sidii gabar walaashii ah oo kale oo guriga la joogta, u noqo xaas gogosha ku qancisa iyo gabar isaga adeecda oo kale , fadlan faraha hala gelin wax aanu adiga ku khuseyn ,waxaad-na ahaataa qof dhoolacadeyn badan.

Gabadheydiyeey ogsoonow , inaad waqti badan ninkaaga la noolaaneysid haduu allah ogolaado , ha noqoto maamo ama bil ama sanad , waxaa intaba waajib kugu ah inaad kula noolaatid naxariis , una hugi raaxo , waayo ninka xaaslaha ah sidaa ayuu aad u jecel yahay.

Gabadheydiyeey .. waxaad badisaa ereyada macaan aad isaga ku amaaneysid sida Amiir-keyga, dooqeyga , gacaliyaheyga,macaankeyga, raaxeeyihii nolosheyda,riyadii nafteyda,ruuxii qalbigayga,ilwaad-kii quruxii indhaheyga,xabiibii ,malabkeyga iyo ereyo kale oo soo jiidan kara .
Waxaad ogaataa in waxa ugu muhiimsan uu yahay in hadalka marka uu qalbiga ka soo baxo uu ku sii dhaco qalbiga kale , ee hadalka markii aad ku dhawaaqeysid u muuji daacadnimada jaceylkaaga , hana ku caasinin amarkiisa , oo had iyo jeer isaga ka fikir oo qura .

waxaa jira waqtiyo muhiim ah inaad ilaalisid..
Haku qaabilin caajis hadii uu kuu yimaado isagoo faraxsan, ha u sheekeyn hadii uu kuu yimaado isagoo careysan, hadii uu kuu yeerto haku celcelin hadalka , waxaan kaaga digayaa inaad ku qaabishid dharka kushiin-ka ee wasakhda ah , waxaad ku dadaashaa cadayga iyo nadiifinta afka iyo udoon-ka jirkaaga , mar waliba oo uu ku arko waa inaad ahaataa qof caraf badan.

Gabadheydiyeey waxaad dha dhansiisaa ninkaaga farxadda dhabta ah , waayo wuxuu kuu noqonayaa mid si aad ah kuu jecel , kuna dadaal qubeys-ka si aad u noqotid mar waliba qof diyaar ah , goor waliba oo aad aragtid inuu ku soo eegayo , waxaad ka dhunkataa labada bushimood, sidoo kale markii aad aragto inuu ku damcayo , isaga tag wixii howl ah oo aad horey u heysay , ee ku qaabil raaxo dhameystiran.

Gabadheydiyeey .. waxaad sameysaa wixii alle iyo rasuulkiisa ay ku fareen , hana ka tagin diintaada islaamka oo raali geli ninkaaga .

Gabdheydiyeey .. waxaad eeg eegtaa inta u dhaxeysa sankiisa iyo indhihiisa , waa inuu kaa carfiyaa udgoon fiican , indhihiisuna waa inay ku dhacaan oo ay qabtaan meel qurux badan oo jirkaaga iyo guriga ka mid ah, kana ilaali wax waliba oo uu ceebeysanayo.

Gabadheydiyeey .. hadii uu kuugu yeerto gogosha ama uu kaa dalbado , u dhowow adigoo aan diidmo ka muujineynin arrintaasi , waxaad-na tusisaa galmood-ka noocyadiisa kala duwan iyo albaabada raaxada si uu had iyo jeer kuu dalbado, hadii isaga aanu dooneyn isku tegidda (jamaaca) adiga jirkaaga u muuji , kana dhunko afka , si fiican iskugu duub jirkiisa , waxaad-na xilligaasi neefsataa neef dheer .
Hadii uu kuu soo galo isagoo murugeysan , ku qaabil dhar jirkaaga uu ka dhex muuqanayo , iskuna duub , oo labada dhaban ka dhunko , oo xod xodi laab laabatada jirkiisa , la cayaar , timihiisa faraha la gal, laabtiisa(xabadkiisa) urso oo sanka saar, kuna dheji xabadkiisa ibta ( fooda naasahaaga) , kuna badi cayaarta si ay uga baxdo murugtii iyo ciilkii horey u hayay ninkaaga .
Jaceylka aad u qabtide seygaada xooji , wax waliba oo yar , misana weyn isaga kala tasho , weligaa wax sir ah haka qarin, waxaad iskugu kala badashaa noocyo kala duwan oo cayaar ah oo ay raaxo ku jirto si aaney maskaxdiisa ugu soo dhicin wixii horey isaga murugta u keenay.
Gabdheydiyeey ogsoonow.. markii aad isaga damacdid waxaad si fiican u eegtaa indhihiisa , waayo indhaha waa hogaanka ragga .
Ha uga sheekeyn wixii uu neceb yahay , hana ku qasbin fikir aad wadatid iyo waxyaabo uusan awoodin , waxaad ka dhigtaa ninkaaga ninka ugu farxadda badan dunida marka loo eego , waayo hadii gurigiisa uu ka shaqo tago aroortii hore isagoo weji caro ay ka muuqato taasi wanaag kuuma ahan .
Gabadheydiyeey .. ha badin jil jileeca iyo dabacsanaanta oo kolkii dambe uu kuu moodo qof duleysan oo nin waliba sidan ku qaabileysa marka uu guriga ka maqan yahay , hana ku badin faanka iyo ammaanta aad u jeedineysid oo kolkii dambe uu kuugu kibro , hana ku badin su'aalaha , ha is ilowsiinin yaanu ku iloobine , waxaad-na ka noqotaa arrimahaan mid meel dhexe ka taagan .
Hooyo .. Waxaan kugu boorinayaa inaad u salaaxdid , waayo nolosha ayaa sidaa ku qurux badan sida inaad madaxiisa dhabtaada aad saarto ,gacantaadana aad mar mariso timahiisa iyo jirkiisa , waxaad-na isku daydaa inaad ku gacan siisid wax waliba oo aad awoodid
.
Gabadheydiyeey .. waxaad ogaataa in galmood-ka aanu aheyn oo qura in la isku tago balse ay ka horeyso cayaartanka , ka dhunka afka , oo labada bushimood si degan uga baashiyeey ( ka dhuuq) , waxaad dha dhansiisaa candhuufta afkaaga , waxaad nuugtaa carabkiisa , kuna buuxi xaraarada jirkaaga .
Hase yeeshee galmood-ka iyo isku tegidda waa goosha dagaalka iyo ujeed-ka ugu dambeeya ee la hiigsanayo , kolka aad aragto inuu ku dhiban yahay dagaalka oo aad ka guul gaari rabtid , si adag ugu soo duub laabtaada oo ku qabo, in kabadan dhunko, ereyo macaanna ku dheh xilligaasi oo si akhlaaq ay ka muuqato sida waan ku jeclahay, adiga ayaan kuugu dhimanayaa , waad i farax gelisay, Allah ayaa ii kaa doortay, Allah ku dhowro iyo ereyo kale .
Waxaad u diyaarisaa wixii uu doonayo , gososha iyo qolkana si aad ah u carfi , dharkiisana ha noqdeen kuwa nadiif ah, naftaadana u qurxi qaabka uu isaga u jecel yahay ee uu doonayo inuu kuugu arko sida labiska iyo quruxda.
Gabdheydiyeey .. waxaan kaaga digayaa xanta iyo isku dirka dadka , waxaad ilaalisaa oo aad xafidaa sirtiisa , maalkiisa , ehelkiisa, sharaftiisa , waxaad-na badisaa allah ku xirnaanshaha .
Gabadheydiyeey .. maxaa ka qurux badan habeenka aad naftaada carfisid , qolkaaga carfisid , oo jawi degan oo aan buuq laheyn ku qaabishid ninkaaga, fadhi qurux badan , cabitaano kala nooc ah iyo codad naxariisyo ay ku dheehan yihiin, heedhe waa qurux iyo xasuus habeenkaasi .
Ugu dambeyntii gabadheydiyeey .. hooyadiisa jeclaaw oo si aad ah ugu naxariiso , waxaad ninkaaga ku guursatay waa ogolaanshaha qoyskiisa , waxaad raali gelisaa isaga iyo qoyskiisa oo xiriiri walaalihiisa , una dhimri, iyagaa ku jeclaan doonee .
Gabadheydiyeey .. markale waxaan kuugu celinayaa inaad si fiican u xushmeysid hooyada dhashay ninkaaga oo jaceyl u muuji si ay kuu jeclaato , kuuguna kalsoonaato , waxaadse ogaataa in hooyooyinka marka wiilashooda ay gabdho guursadaan ay si weyn u dareemaan in kala bar jirkooda la siibtay oo uu lumay , laakiin adiga hadii aad tahay qof wax garad ah waa inaad isbaaradaasi kaga gudubaa naxariis iyo jaceyl , waayo kolkaas hooyadiisa waxay kuu jeclaaneysaa in ka badan sida ay wiilkeeda u jeceshahay , waxaana xilligaasi ku jeclaanaya ehelkiisa iyo tolkiisa , anna waan ku jeclahay ee sidaa ogsoonow , farxad iyo barwaaqo ayaanan kuu rajeynayaa ,hooyo guuleyso weligaa.

U Gaar Ah Xaasaska:Ninkaada Libaax Kama Adkee Ka Dhigo Rabaayad

Haween badan ayaa ku jahwareersan sidii ay isu jecelsiin lahayeen ragooda .
Taasina waxaa sabab u ah iyaga oo aan dhab u aqoonsan halka ninka ay ka soo marayaan wadooyinka ugu sahlan ee qalbigiisa ku degi karaan .
Haweenka diinta ku yar ayaa maciin bida wadooyin qaldan sida sixirka iyo waxii la mid ah .
Gabaryahey Ogaw ninkaada Libaaxa kama ad-adka ee ka dhigo rabayaad aan wax ka diideyn isna jecelsii.
Hadaba qisadaan si wacan u dhuux kana tusaale qaado.
Haweeney ayaa u tagtay nin wadaad ah iyada oo u qaadatay in uu sixiroole yahay ,waxa ayna ka codsatay in uu u sameeyo sixir si ninkeeda ugu jeclaado si aan haweeney loo jeclaan.
Wadaadkii ayaa u sheegay naagtii in ay dooneyso arin sahal aheyn in ay diyaar u tahay in qarashka ku baxaya la baxeyso ,waxa ay tiri haa waan la baxayaa.
Wadaadkii ayaa u sheegay in arintan la sameyn karin iyadoo aan la helin tinta qoorta libaaxa ,waxa ay tiri libaax ,haa , xal kale malaha miyaa libaax la iskuma aamini karee .
Maya Maya arinta aad rabto in ninka lagugu jecleesiiyo tinta qoorta libaaxa ayay ku xeran tahay hadaad keento ujeedkaada waad gaareysa.
Haweeneysa oo dhabanada haysata ayaa soo baxday waxa ayna durba la tashatay qof ay ku kalsooneyd taasi oo u sheegtay in libaaxu wax ugaarsan haddii uusan baahneyn haddii ay dharjisana shartiisa ka nabad galeyso.
Naagtii ayaa bilaawday in ay duurka aado isla markaana hilib u tuurto libaaxii maalin waliba ilaa uu ka bartay.
Markii dambe ayay bilaawday in ay u dhawaato ka dibna sidii ay arintas u waday waxa ay ku guuleysatay in madaxa ka salaaxo iyadoo ugu dambeyntii qoortiisa ka jartay tintii loo soo diray.
Wadaadkii ayay ula tagtay tintii uu u diray,waxa uu weydiiyay sida ay ku heshay ,iyadoo uga sheekeysay wadooyinkii ay martay.
Wadaadkii oo yaabay ayaa ugu jawaabay gabaryahey ninkaada Libaax kama sharbadnee la macaamil ninkaada oo dharji .
Aqriste waan filayaa in xikmada ku jirtaan sheekaadaan aad wada fahamteen.

Iska Ilaali Nin Leh TiL MaaMahaaN

Jaceylku keligii wax ma dhameystiro , mana awoodo inuu baabi'iyo ama dawo uu u helo waxa ay rag badani la xanuunsan yihiin , taasoo khubarada guur-ka ay ku sheegaan xiriir lala sameeyo inay halisteeda leedahay, waxaana halbaha kula dardaarmayaa inay xushaan ninka ay dooqayaan inay guursadaan ka hor xafladda aqal-galka , waxaana kuu wanaagsan inaad iska ilaalisid oo aanad u dhowaan nin leh tilmaamahan aan hoos ku sheegi doono

1)Taariku salaad:- waayo salaadii shanta farad aheyd ee ku waajibtay ayuu ka tagay , wuxuuna khayaanay ammaanadii uu allah u dhiibtay , taasi miyey haboon tahay ? waa ( maya ) jawaabtu .

2)Daroogiiste: waa nin si aad ah u caba khamriga, aad-na uga hela la tumashada dumarka ( zino) iyo cayaaridda khamaar-ka, arrimahaasi waa waxyaabaha lagu naar-galo hadii aanu ka toobad-keenin , allah naga najeeyo oo naga koriyo wixii ciribteena xumeynaya.

3)Dayuus: waa nin wax waliba oo dhaqanka islaamka ka hor-imaanaya u arka horumar dunida ay gaartay , wuxuuna hablaha la qabo iyo kuwa aan la qabin uu ku booriyaa inay xijaabka iska dhigaan, qurux-doodana ay banaanka soo dhigaan oo ay muujiyaan, wuxuuna jecel-yahay oo uu ilbaxnimo u arkaa inuu bariidiyo xaasas-ka haweenka ah ee la qabo, ama wuu la qoslaa oo uu bogooda ku seexdaa sida xaaskii oo kale , gabdhaha kalena sidaa ayuu ku tababaraa .

4)Nin caruureed: ninkani wuxuu in muddo ah la noolyahay hooyadiisa , cuntada waa loo diyaariyaa , waxaa loo nadiifiyaa dharka , waxay u hagaajisaa wuxuu jecel yahay , waxaa lagu soo koriyay mayac iyo kibir , waxay hooyadu xal u raadisaa mushkiladda iyo qas-ka uu abuuro wiilkeeda , marka uu xaas damco inuu yeesho hooyada ayaa u raadisa mid sida hooyo oo kale u xanaaneysa , hase yeeshee hadii loo waayo , oo uu isaga raad raadsado , lana yimaado gabar , marka la isku guuriyo ayaa looga baqaa in dareen is naceyb ah iyo dagaal gacmaha la iskula tago inuu sababo guurkaasi.
Ninkani oo kale malhan wax go'aan ah , talo kasta oo xaaskiisa kaga timaada wuxuu latashi ula aadaa hooyadiisa , tiiyoo ay carqalad abuuri karto.

5) Caasi waalideen: ninkani ku caasiyay hooyadii iyo aabihii wada dhalay ee soo wada barbaariyay ,dayac iyo xumaanna kula dhaqaaqay abaal marintii iyo koriinadii ay ka sugayeen sida isagaba ay horey u soo koriyeen ayuu kala hortagay waalidiintiisa waxyaabo aan ku wanaagsaneen dhaqanka islaamka iyo midka soomaalida,hadaba ninkani oo kale guur uma qalma ee waa nin maskax ahaan u jiran oo kula dhaqmi kara xaaskiisa wax ka baxsan naxariista iyo ani'aadanimada , una geysan kara dhib nafsaani iyo mid jismiyadeed intaba.

6)Nin maseyr kulul: maseyrkiisu waa wax caadi ma ahan , mana ahan wax ku tusinaya Jaceyl sida uu isagu sheeganayo, waayo kalsoonida uu naftiisa ku qabo iyo dadka kale ayaa aad u yar, wuxuuna had iyo jeer wax ka raadiyaa dhanka xun ee dhaqanka xaaskiisa si uu ugu cadeeyo eedeynta uu u jeedinayo ee ku daahsoon halkudhigan " ammaan ma jiro waqtigan khayaanada badan" halkudhigan ayaa ah midka ka careysiiya ragga oo shaki geliya in xaasaskooda ay sameeyaan galmood sharci darro ah oo zinno ah marka ay guriga ka maqan yihiin , xitaa ninka wuxuu falkani ku tuhmaa nin ku dhow isga oo ay qaraabo yihiin iskaba daaye deris iyo dad kale , wuxuu xaaska u diidaa inay yeelato Teleefoon ,Email iyo nooc kasta oo asxaabteeda iyo qoyskeeda ay kula xiriiri karto , wuxuuna jecel-yahay in kolka ay qof teleefoon kula xiriireyso inuu isaga uu agjoogo.
Maseyrka noocan ah waa cudur u baahan dawo , waayo ninku wuxuu u dhaqmayaa si mayal adag oo diktaatoorinimo ah , waxaa wanaag badan in ninka iyo naagta isqaba inay isfahmaan , ayna noqdaan laba iska amar qaadata oo is maqal iyo adeecid isku xushmeeya , waa inaan la isku dhibin amarada culus .

7) Nin murugeysan :- waa nin waji macbuus ah,oo murug ay had iyo jeer ka muuqato oo aan laheyn wax calaamad farxad ah, waxaana dadka intooda badan uu u arkaa cadow , hadaba hadii aad xiriir la leedahay nin ceynkaasi ah waa inaad dib u dhigtaa guursigiisa ilaa iyo inta uu ka caafimaadayo , hadii aad xaas u tahay-na waxaad geysaa goobaha caafimaad-ka si loo daweeyo .

8) Nin torobo dooniiste ( naag raadis badan ): ninkani wuxuu dabeecad ka dhigtay inaanu fariisan oo salka dhulka dhigin , wuxuu doonayaa inuu haweenka iskaga badalo sidii shaar-ka oo kale , wuxuu ku beeraa jaceyl si uu maqaalinta u soo geshto , kadib-na miciyaha kula qabto , waxaana taa loo arkaa nooc ka mid ah raganimada, noloshiisa maalinlaha ah ayuu ka dhigtay in midba maalin uu la joogo , waxaana ninkaasi aad ku garan kartaa mudada aad shukaansiga iyo haasaawaha iskula jirtiin .

ninkani ayaa kula noolaanaya oo aad xaas u noqonayaa muddo maalmo ah , ama todobaadyo ama bilo kooban , kadib-na waxaad ku laabaneysaa gurigii lagaa soo guursaday adigoo wata magaca ah ( garoob) .

 

0025261-5008787

Ma doneysaa in ninkaagu aanu naag kale kula guursan? Gabdhuhu ha aqriyeen

Gabar yahay ma dooneysaa in aydnaan duqaaga kala gaboobin dumar kalana uusan kula guursan? Hadaba hadii ay jawabtaadu tahay haa wanadeeda yeel
Guriga uga dhig Jano uu ku raxeyso inta uu joogo una soo xiiso inta uu ka maqanyahay hana uga dhigin cadaab uu ka doonto meel uu uga cararo

Dhoola cadeyn iyo waji furnaan ku salaan kolka uu guriga soo galo sidaana kula joog ilaa ka baxayo dhibaatada kasoo ku heysatana dhoolacaddee
kala qeybgal murugugadda iyo mushaakiladiisa isku day inaad mar waliba ka farxisid si uu u ilaabo daalka uu la soo kulmo inta uu maqanyahay
_isku day inaad sameysid waqti adiga iyo ninkaagu hadal macaan iyo haasaawe aad is weydaarsataan dhowr daqiiqaba ha ahaatee

marmar hadiyad u keen haba qiimi yaraatee
kala qeybgal hiwaayadiisa hana ka daalin ogowna in naagta caqliga badani ay tahay tan taqaana waxa uu duqeeda jaceylyahay

..isku day inaad alaabada guriga taal iyo qaabka ay u dhigan yihiin wax ka badashid
hadbana dhinacn ka soo jeedisid daahyo nafta jiifta iyo ubaxna ku qarxisid mar waliba
gurigaaga ha ahaado mid qurxoon nadiif ah oo nidaamsan si uu ninkaagu ugu isuna
qurxi oo isuna dhis si aanu dumar kale u dhugan
...ugu yeer magac jaceyl iyo erayo nafta soo jiita
..ku qanci intuu Eebbe kuu qorey dushana ha ka saarin wax aanu qaban karin hana
ugu sheekeyn waxa walaashaa ninkeedu u keeno iyo waxa aanu u keenin
wax kasta oo uu ku yiraahdo ka yeel aan ka aheyn dembi aad ka gashid
maxaa yeeley hadaad dhimato asaga oo raali kaa ah waxaad tahay eh-lu janno
been ha ha u sheegin ninkaaga ogowna in hadduu been kugu ogaado shaki iyo in lagaa sheekeeyo keeni karana ka fagow
ha badsan ka bixitaanka guriga ogowna haddu maanta kuu sabro inaanu barrito kuu
..iska ilaali taleefanada badan ninkaagu ha joogo ama yaanu joogine
xusuusnow balamadda uu dadka kale la leeyahay xusuusina
..ku mahdi wuxuu ku siiyo haba yaradeene maxaa yeelay Eebe ma eego naagta
aan ninkeeda ku mahdin
xiriiri una roonow ehelkiisa iyo qaraabadiisa kalana qeybgal farxadooda iyo
muragadooda si uu isna ehelkaaga iyo qaraabadaada u xiriiriyo
ha u amaanin ekelkaaga hana u cayn ehlkiisa waxaa lagayaabaa inuu kuu
dhaafiyo erayo ku dhaawaca eh
...ku kaalmee arimaha diinta sida soonka iyo sako bixinta una toosi oo xusuusi waqtiga salada
..kula noolow ninkaaga waqtiga la joogo suu yahay hana baarbaarin wuxuu taariikh
soo maray maxaa yeeley waxaa laga yabaa inaadan ku farxin
..ha u amaanin gabar saaxiibtaa ah yaanu kaa raacin
..ha u amaanin nin kale ma jecla inaad amaanto nimaan asaga aheyne
..iska ilaali maserka badan maseyr waa dab eh ogowna haddu dilaaco dadkuu
gubayo adaa ugu horreyn doone eh
haddaad tahay naag nin hore soo furey iska ilaali erayada ay kamidyihiin ninkeygii hore saa ima yeeli jirin waxaa iima diidi jirin iwm;

hadduu ninkaagu danyar yahay adna daaro dhaadheer ku noolan jirtay marnaba
iska ilaali inuu kaa dhadhamiyo erayo abaalsheegad sida adiga oo xusuusiya
raaxadii aad ku noolayd intaanu ku guursan ama xoolo kuwaaga ah ood siisay aad
ugu abaalsheegatid maadaama erayada ceynkaas ahi ay raganimadiisa iyo
karaamadiisa dhaawacayaan.

Sideed ku dooran karta Zawjka salixa ah!

Gabadh kasta markey guursanayso waxa gala cabsi iyo welwel xoogan iyo su'aalo badan oo ay is waydiso ninka ay guursanayso sidu ku noqon laha.Guurku wa sunahi Nabigena(scw)marka walashay ninka sunaha nabiga ku dhaqmaya dardaranki nabigana(scw) ku dhaqa oo xifdisan xadiisyada Nabigena(scw) kaso ororey waxu fahmaya guurka macnahisa adigana wa ku dhaqanaya lakiin nin aan ku dhaqmeyniin diintisa haka sugin inu ku dhaqdo
.

Ma rabta walashay inaad heesho nin kuu qalma oo ku dhaqda reerkaguna noqdo mid ku waara faarxad iyo degenaansho walaashay taladaydan so socota qaado insha allaah waxana rajayni inu ku anfici doono kuna guleysan doonto idanka allah..Waxadna ku dadasha inaad kacdo saqta dhexe wana xiliyada ducoyiinkaga lagaa aqbalo idanka Alle(swt) ka bari inu ku siyo zawaj wanaagsan

Tilmamaaha Zawjka Salixa ah ee wanaagsan


1- Diintisa iyo Akhalaqdisa, ninka diinta u saxiibka ah adiga iyo caruurtadaba wa idin dhaqana 2- Wa inu yahay nin msuliyad qaadi kara reerna dhaqan karo..
3- Wa mid marwalba ku xidhan misjiidka Jamaca iyo duruusta, muxadarada..
4- Wa mid aan ku dhaqmin khayanada iyo beenta kana fog..
5- Ma caayo xaaskisa mana xaqiro kumana qayliyo..
6- haday bukooto waxu darensiya inu la bukoonayo guriga kama baxo caruurta iyo gurigu ka cawiya wuxuna ku dadaala inu iloowsiyo xanuunka haya lamanahiisa..
7- wa mid marku albaabka kaso galo u dhoolo cadeya kuna salama salamada islaamka una sheega intu maqna inu u xiisay..
8- Wa nin marwalba ku dadala oofiinta balanta dacaadna ah ma khyaano xaaskisa wa ki marwalba dacaad u ah..
9- Wa mid dhinaca Diinta ciilmiga ku wanaagsan barana xaaskisa iyo caruurtisa..
10- Wa mid markay huruto xaaskisa Amaana Alle'na(swt) ugu shugri naqa..
11- Wa mid aan xaaskisa kaa oohin murugo iyo welwelna ku abuuriin..
12- Waxu ku dadaala inu caruurtisa baro siday hoyadood u ixitirami lahayen hadalkedana u adeci lahayeen..
13- Wa mid salatul layl ka u kaca xaaskisa iyo caruurtisana u kicinaya..
14- Wa mid marwalba ixitiraama waalidka xaaskisa iyo qarabadeeda kuna dadala inu xiririyo..
15- Wa mid marwalba xaaskisa hadalo macmacan ku odhanaya oo dareensiya jeceylku u hayo xaaskisa..
16- Wa mid ku kalsoon xaaskisa kalana tashta arimihisa shaqada danahisa iwm..
17- Wa mid geesi ah oo dantiisa iyo ta reerkisa yaqaana.
18- wa mid caqli badan oo xaaskisa ka sameysta jeceyl iyo kalsooni iyo amiin.
19-Wa mid ku Samra dhibta xaaskisa haday ku gaftana waakii caqligisa isago kashanaya si degen oo raxmad iyo naxaris leh wax ugu sheega..
Walashay ninka aad guursanayso hadi u tilmamahas leyahay illahay haku barakeye reerkaga si dacaad ah u dhaqo marwalbana ugu mahadi sida wanagsan oo u kula dhaqmo tus inaad aad ugu faraxsan tahay sida wanagsan ee u kula dhaqmayo adiguna wanaaji illahayna ugu shugri naq.
Waxan saxay waxay ka ahaday xaga Alle(swt) waxan qaldayna nafteyda iyo shaytan.

Ragga Waa Ka Mamnuuc Gabaryahay Raggaan Kee Ka Dooran Laheyd Oo Nolasha La Wadaagi Laheyd .

Ragga waa ku kala duwan yihiin dabeecadaha iyo waliba muuqaalkaba , gabar walibana nin gaar ah ayay ka heshaa. Hadaba gabaryahaay raggaan soo socdaa ninkee ayaad ka heli laheyd ama door bideysaa .

Nin Soo Jiidasho Badan:waa nin isku kalsoon balse jecel in uu ahaado nin la xiiseeyo , ninkaasi waa caan soo jeedasho leh balse hal arin jecel in uu ogaado sida dadka kale u arkaan ama u xiiysaan yacnii nin is qanciyay.

Nin Mashquul Badan: nin guul badan waaye awooda in uu qabto dhowr shaqo hal mar ,ma jecla in uu fasax helo mararka qaar nin kacsan neer foose ah waaye.

Nin Jir Dhisan : Ninkaasi waa nin jir ahaan dhisan cayaaraha noocyadeda kala duwan ayuu jecel yahay mararka qaar waa caadhifad leh .

Nin Shaki Badan:mar noloshiisa ka mid ah ayuu la kulmay qiyaano xanuun badan ,waxaana ka luntay kalsoonida ,waa caqli badan yahay .

Nin Qaboow:Ma ooyo mana qayliyo ,ninkasi waa adag tahay in loo dhaawado , dhib waliba oo ku dhacana waa uu qarsadaa .

Nin Jecel In Qof Waliba Farxad Giliyo:Ninkasi naftiisa waxa uu dhigaa meel an u qalmin ,waxa uu iska dhigaa in dadka kale ka hooseeyo .

Qof walibana in uu qanciyo ayuu jecel yahay waana isku qanacsan yahay mar waliba.

Nin Qiyaali Badan: Mar waliba waxa uu ku nool yahay qiyaali nolosha taal ma fiiriyo waxa uu ku jiraa riyooyin kale .

Ninkasi haweenka madax xanuun ayuu ku ridaa waayo waa caajislooow wax ma qabte ah.

Nin Caqli Badan: waxa uu adeegsadaa caqligiisa ,ujeedooyinka oo leeyahana wuu gaara ,mana dhaafto fursadii soo marta waa ka faa'ideystaa .

Aqoon Yahan: Waxa uu ku nool yahay wax aqrin ,waxa uu jecel yahay wax aqrinta ,mar walibana waxa uu wareegaa goobaha wax lagu aqrito .

Nin Go'aankiisa Deg Deg Yahay:Deg Deg ayuu wehel u yahay,waxa uu jecel yahay in uu wax waliba isku biimeeyo .

Bilaa fikir ayuu go'aan ku gaara dadka lama tashto xitaa isaga naf ahaantiisa kama fikiro waxa uu sameynayo.

Nin Aan La Fahmi Karin: Ninkasi lama garan karo nooca uu ragga ka yahay , tilmaan waliba oo jirta wuu leeyahay ,

Mararka qaar waa xalay dhalay sid cunug ,mararka qaar sida dhuxusa oo kale ayuu u madoow yahay meel loo mara malaha ,mar waa nin romantic ah .ninkan lama fahmi karo wana adag tahay in la garto.

Nin Is Mahdiyay:ninkasi nin soo jiidasho leh balse waxa uu jecel yahay in dad kale qabsado fikir ahaan iyo ficilba .

Wax walibana in isaga la'aantis la qaban karo ma aaminsana .

Hadaba aqriste ninkee raggaan kala bixi laheyd , fikirkaada waa inoo muhiim

Maxaa U Sabab Ah Madax Adeega Haweenka?U Noqo Xaaskaada Madax Adag Sida Isbuunyo Oo Kale

Madax adeega ayaa ka mid ah dhibaatooyinka qoys ee ragga soo wajaha , iyadoo ninka ka war helo xaaskiisii jaceylka badneed oo wax yar ka dib guurkooda is badashay lana so baxday madax adeeg iyo war maqlid la`aan iyadoo ugu dambeyntiina keenta in qoyska uu bur buro.

Baartitaano la sameeyay ayaa ka digaya halista madax adeega ee labada lamaane iyadoo doodaha dhex mara labada dhinac mid waliba ay ku qasbeyso in mowqif gaar ah qaato oo adag taasi oo wado aan ka soo laabsho laheyn gaarta .

Sababaha Haweenka U Madax Adag Yihiin .

Dad badan ayaa is weydiinaya sababta haweenka u madax adag yihiin sideena ninka xaakiisa madax adag tahay ula dhaqamaya hadaba taqaatiirta cilmi nasfiga ayaa ku waramay.

Madax adeega dumarka ayaa suura gal ah in xidadadiisa uu u laabanayo marxaladihii ugu horeeyay nolosheeda taasi oo ka dhalaneysa iyadoo si qaldan loo tarbiyeeyay yaraanteeda.

Haweeneyda oo u aragta in ninkeeda uusan kala tashan umuuraha noloshooda isla markaana uu yareysto ra`yigeeda kuna jees jeeso xiliyada qaarkood tasina waxa ay haweeneyda ku dhalineysa madax adeegnimo .

Haweeneyda oo aan la qabsan ninkeeda dabeecad ahaan madax adeegnimo ayay keeneysa , iyadoo haddii ninka uu ka diido in uu uga tanaasulo wax ay jecleesatay kuna dhaganaado go`aankiisa iyana madax adeeg ayay keeneysaa .

Macagagnimada xaaska ayaa ka mid noqota nolol maalmeed ay ku muujiso diidmadeeda habdhaqanka ninkeeda si uu garto .

Taqaatiirta ayaa sheegaya haddii gabadha hooyadeed ku madax adeegi jiray odaygeeda ayna iyada maamuli jirtay ninka gabadhuna nin jilicsan ayay raadsaneysa si waxa ay doonto uga sameysato.

Macangagnimada Haweenka Waa Abuur Ku Beeran .

Haweenka ayaa ka madax adag ragga iyadoo baaritaan la sameeyay sheegeyso in madax adeega haweenka ka xoog badan yahay kan ragga , iyadoo xarigyada wareerka ninkeeda madax adeeg in ay ku joojiso isku dayeysa iyadoo suuragal aheyn in ninka badalo hab dhaqamadisa .

Side ula dhaqmeysa xaaskaada madaxa adag.

Saaxibkeeyoow jaceylka iyo naxariista joogtada iyo in aadan yasin oo aadan yareysan waxa ay gacan ka siinayaan in aad ka taqalusto dabeecada madax adeegnimada xaaskaada .

Haweenka mar waliba waxa ay u baahan yihiin qofka tix giliya , waxaana lagula talinaya in aad ilaaliso dareemaheeda una noqo sida cad (kabal ) isbuunyo si ay u nuugto xanaaqa iyo madax adeegnimada .

Ogaaw oo dareemo u yeelo in macangagnimadeeda muujineyso in aysan la qabsan daruufaha ku hareereysan si deg deg ah u raadi xalka .

Si degan ula hadal hala doodin , , waxa aad isku haysaan ehelka ama dariska ha gaarsiin , ka aamus dhagaha ka fureyso waa ciqaabta ugu kulul ee xarirka qoysnimo , waxaadna ogataa madax adeeg madax adeeg ayuu dhalaa.

mabrook_11@hotmail.com

Ha Guursan Ragga Tilmaama han leh Warbixin Xiiso Leh)

Waxaana kuu wanaagsan inaad iska ilaalisid oo aanad u dhowaan nin leh tilmaamahan aan hoos ku sheegi doono.Barnaamiskaani waxaa ugu tala galnay akhristaasha shabkada shaaciye

1)Taariku salaad:- waayo salaadii shanta farad aheyd ee ku waajibtay ayuu ka tagay, wuxuuna khayaanay ammaanadii uu allah u dhiibtay, taasi miyey haboon tahay ? Waa ( maya ) jawaabtu.

2)Daroogiiste: waa nin si aad ah u caba khamriga, aad-na uga hela la tumashada dumarka ( zino) iyo cayaaridda khamaar-ka, arrimahaasi waa waxyaabaha lagu naar-galo hadii aanu ka toobad-keenin, allah naga najeeyo oo naga koriyo wixii ciribteena xumeynaya.

3)Dayuus: waa nin wax waliba oo dhaqanka islaamka ka hor-imaanaya u arka horumar dunida ay gaartay, wuxuuna hablaha la qabo iyo kuwa aan la qabin uu ku booriyaa inay xijaabka iska dhigaan, qurux-doodana ay banaanka soo dhigaan oo ay muujiyaan, wuxuuna jecel-yahay oo uu ilbaxnimo u arkaa inuu bariidiyo xaasas-ka haweenka ah ee la qabo, ama wuu la qoslaa oo uu bogooda ku seexdaa sida xaaskii oo kale, Gabdhaha kalena sidaa ayuu ku tababaraa.

4)Nin caruureed: ninkani wuxuu in muddo ah la noolyahay hooyadiisa, cuntada waa loo diyaariyaa , waxaa loo nadiifiyaa dharka , waxay u hagaajisaa wuxuu jecel yahay, waxaa lagu soo koriyay mayac iyo kibir, waxay hooyadu xal u raadisaa mushkiladda iyo qas-ka uu abuuro wiilkeeda, marka uu xaas damco inuu yeesho hooyada ayaa u raadisa mid sida hooyo oo kale u xanaaneysa, hase yeeshee hadii loo waayo, oo uu isaga raad raadsado, lana yimaado gabar , marka la isku guuriyo ayaa looga baqaa in dareen is naceyb ah iyo dagaal gacmaha la iskula tago inuu sababo guurkaasi.

Ninkani oo kale malhan wax go'aan ah, talo kasta oo xaaskiisa kaga timaada wuxuu latashi ula aadaa hooyadiisa, tiiyoo ay carqalad abuuri karto.

5) Caasi waalideen: ninkani ku caasiyay hooyadii iyo aabihii wada dhalay ee soo wada barbaariyay ,dayac iyo xumaanna kula dhaqaaqay abaal marintii iyo koriinadii ay ka sugayeen sida isagaba ay horey u soo koriyeen ayuu kala hortagay waalidiintiisa waxyaabo aan ku wanaagsaneen dhaqanka islaamka iyo midka soomaalida, hadaba ninkani oo kale guur uma qalma ee waa nin maskax ahaan u jiran oo kula dhaqmi kara xaaskiisa wax ka baxsan naxariista iyo ani'aadanimada, una geysan kara dhib nafsaani iyo mid jismiyadeed intaba.

6)Nin maseyr kulul: maseyrkiisu waa wax caadi ma ahan, mana ahan wax ku tusinaya Jaceyl sida uu isagu sheeganayo, waayo kalsoonida uu naftiisa ku qabo iyo dadka kale ayaa aad u yar, wuxuuna had iyo jeer wax ka raadiyaa dhanka xun ee dhaqanka xaaskiisa si uu ugu cadeeyo eedeynta uu u jeedinayo ee ku daahsoon halkudhigan " ammaan ma jiro waqtigan khayaanada badan" halkudhigan ayaa ah midka ka careysiiya ragga oo shaki geliya in xaasaskooda ay sameeyaan galmood sharci darro ah oo zinno ah marka ay guriga ka maqan yihiin, xitaa ninka wuxuu falkani ku tuhmaa nin ku dhow isga oo ay qaraabo yihiin iskaba daaye deris iyo dad kale, wuxuu xaaska u diidaa inay yeelato teleefoon, email iyo nooc kasta oo asxaabteeda iyo qoyskeeda ay kula xiriiri karto. Wwuxuuna jecel-yahay in kolka ay qof teleefoon kula xiriireyso inuu isaga uu agjoogo.

Maseyrka noocan ah waa cudur u baahan dawo, waayo ninku wuxuu u dhaqmayaa si mayal adag oo diktaatoorinimo ah, waxaa wanaag badan in ninka iyo naagta isqaba inay isfahmaan, ayna noqdaan laba iska amar qaadata oo is maqal iyo adeecid isku xushmeeya, waa inaan

la isku dhibin amarada culus.

7) Nin murugeysan :- waa nin waji macbuus ah, oo murug ay had iyo jeer ka muuqato oo aan laheyn wax calaamad farxad ah, waxaana dadka intooda badan uu u arkaa cadow, hadaba hadii aad xiriir la leedahay nin ceynkaasi ah waa inaad dib u dhigtaa guursigiisa ilaa iyo inta uu ka caafimaadayo, hadii aad xaas u tahay-na waxaad geysaa goobaha caafimaad-ka si loo daweeyo.

Hadaba Waxaa filaya in aad ka fa,idaysatay dar daaran

Maxaay Tahay Sababta Rasmiga ah ee Ka Danbaysa Bur-Burka Qoyska (Warbixin )

Waxaa sanadahani danbe aad u tira batay furiinka,ama kala taga lamaanaha is qaba ee sida lama filaanka, ah durba u ku kala taga balse su'aasha ah maxaa keenay furiinka ayaa noqotay mid soo no noqata.

Hadaba waxaa dhahi karnaa bur burka qoysaska, waxaa loo aanayan karaa in aay salka ku hayso arimo fara badan oo aan qaaar ka mid ah astaamahoodaa aan hoos ku xusi doono.

Waxa keena furiinka waa wax aad u adag hadii si loo eego hasa yeeshee waxay sheegaan dadka ku taqasusay arrimahaan in loo aaneeyo arimao fara badan oo aan ka xusi karno.

1 dhibaato dhaqaale oo soo wajaha qoyska

2 In lakala fogaado oo laba meel aay ku kala noolaadan qoysaska

3 dabeecada oo lagu kala duwanaado.

4 balwadda lamanaha is qaba mid ka mid isticmaalo Balwada

5 dhaqanka oo lagu kal duwanaado

6 gogosha oo leeskaga kal heli waayo oo mid ka mid ah lamanaha gogasha mid kale ku qancin waayo

7 faragalin ku timaada lamaanaha dhankasataba ha ahaatee,

Marki si fiican aan u eegno nolosha bini'aadamka waxa ugu muhiimsan waa guurka sidaas daraadeed ayaa dadka badankiis u arkaan furiinka in ay tahay guuldaro ku timaada guurka.

Balse waxaa la doonaya inta badan had iyo jeernain lagu dadaalo samirka iyo dulqaadka., murtida ama maah maahyada Soomaaliya ayaa oranaysaa Haween ka samir ama u samir taasi oo loola jeedo in aay haweenka cara badan yahiin inta badan.

Hadaba qormadayna tan xigta ayaan ku soo qaadan doona, sirta rasmiga ah iy sabo badan oo loo aanayo furiinka haduu allah ka dhigo, wixi kordhin iyo fikradahna waa idiin furan tahay.

Aqriso Qidasan Cajiibka ah ee kaa ooyin Doonto ''Guurka Soomaalida oo Caqabad Kala Kulmay Qabiilka''

Somalida Waa Dad 1 Diin, 1 Luqad leh Hadana Waxaad Arkeysaa In Waxyaabo Badan ay Isbadalaan Waa Kala Dhaqan Marka aad Si u Eegto, Gaar Ahaan Dhanka Guurka Oo Calaamada Labada Ruux ee Is Guureysa Laga Fiiriyo ay Noqatay Dhanka Qabiilka oo Soomaali ay Ku Kala Tagtay.

Balse Diinteena Suuban Waxa ay Na Fareysaa Dhanka Guurka Sifooyin Ka Duwan Midka Somali badan ay Iminka Ku Dhagan Tahay,Waxaana Tusaale Maanta usoo Qaadaneynaa Qisadaan Dhaxmartay Lamaanahan Lagu Kala Magacaabo Sahra iyo Saciid,

Saciid Waxa uu Ku Nool Yahay Dalka angola Waxa uuna Ka Shaqeeyaa Goob Ganacsi oo Halkaa Ku Taala oo ay Leeyihiin Rag Somali ah,Waxa uu Qadka Ka Bartay Sahra oo Joogta Magaalada Muqdisho Isla Markaana ah Ardayad Waxbarata,

Saciid iyo Sahra Barashadooda Kadib Maalmo ayey Wada Lahaayeen Sheekooyin Taxnao ah oo Ahaa Kuwo Shabaq Daa,din Isla Markaana Dhabaha Loogu Xaarayo Jaceyl, Midba Midka Kale Ayuu Ku Dadaadalayey Sidii uu Jaceylka ugu Muujin Lahaa Ilaa Heer Markii Dambe La Isku Bandhigto Horaa Loo Yiri Uur Wax Jacel Dibnahaa Celin Karin.

Jaceylka Waxa uu Gaaray Heerka Ugu Sareeya ee Lamaane Is Jacel Gaaro, Midkood Ma Moogaan Karo Kan Kale Ilaa oo Codkiisa Maqlo Ama Qadka uu Ku Jiro Mooyee Maalintii Waqtiga Intiisa Badan Waxa ay Ku Qaadan Jireen Qadka oo ay Ku Sheekeysan Jireen Xilliga Salaada,Ama Cunada Lagu Maqan Yahay Mooyee , Halka Habeenkiina ay Kuwada Qaadan Jireen Telka Si Ruux Ba Ruuxa Kale u Seexiyo.

Saciid Waxa uu Sahra u Bilaabay Lacago Biil ah oo ay Ka Dhigato Shopping iyo Waxyaabo Kale oo ay u Baahan Tahay,Waxaana Joogto Noqday Sawirada iyo Warqadaha By Emailka La Isku Dhaafsanayey,

Saciid Gacalisadiisa Sahro Waxa uu Ka Codsaday In ay uu Baro Wiil ay Saxibo Yihiin oo La Jooga Magaalada Muqdisho Si uu Usoo Arko Ayada Ayadana Waa ay Ka Ogolaatay Waxa uu Isbaray Saxibkii Salmaan iyo Gacalisadiisa Sahra.

Sahra Waxa ay Salmaan Ku Marti Qaaday Gurikooda Waxa ay usoo Dhaweysay Si Heer Sare ah Salmaan Waa uu u Riyaaqay Sida Wacan ee Usoo Dhaweysay Dumaashidii Sahra Waxa uuna Habeenkii Warbixin Dheer Siiyey Saxibkii Saciid.

Salmaan Waxa uu Saciid u Sheegay in Sahra ay Tahay Gabar Wanaagsan oo Xushmad Badan,Qadarin Taqaana, Qurux iyo Asluub Isku Darsatay,

Hadalkaa Saciid Runtii Waxa uu Ku Ziyaadiyey Farxad iyo Kalgaceyl Dheeraad ah Waxa uuna u Sii Qaaday Sahra Jaceyl Baaxad Weyn.

Saciid Waxa uu Go,aan Saday in uu u Anba Baxo Magaalada Muqdisho Si uu Ula Aqal Galo Gabarta uu Ifka Ugu Jaceyl Yahay Waxa uuna Gacalisadiisa u Sheegay Hadafka uu Wato Ayadana Waa ay Soo Dhaweysay Waana ayna Ku Faraxday.

Saciid Intii uu Safarka Isku Diyaarinayey Ayuu Maalin Waxaa Maskaxdiisa Kusoo Dhaxday Bal Inta uusan Bixin in Gabadha uu u Baxayo Qabiilkeeda Ogaado, Durbadiiba Waxa uu Wacay Sahra Sheeko Yar Kadib Waxa uu Is Kaftan ah u Weydiiyey Reerka ay Kasoo Jeedo Balse Sahra oo aan Jecleysan Hadalka Kasoo Yeeray Gacaliyaheeda Saciid ayaa Ka Amustay,Saciid ayaa Mar Kale Ku Celiyey,Waxa ay Ugu Jawaabtay Qabiilka ay Tahay Waxa ay Tiri Waxaan Ahay ,""MA DHIBAAN""

YAAH YAAH YAAH !!!! Saciid oo Naxdin Dhulka La Go,i Rabo ayaa Yiri MA DHIBAAN AAAAAA !!!!

Saciid oo AnFariirsan ayaa Tiri Gacaliye Maxaa Kugu Dhacay,Maxaa Jiro Ma Qabiilkeyga Ayaad Ka Naxday.

Maya Isma Guursano iyo Erayo Kale Ayuu Saciid Dhowr Mar Ku Celceliyey Sahra ayadoo Yaaban Ayuu Ugu Dambeyn Ku Damiyey Telki.

Sahra Naxdin ayaa Kasoo Hartay Wax ay Sameyso Ayey Garan Weyday Dhulkii Ayaa La Gariiray, Aduunkii ayaa Cariiri Ku Noqday Waxa ay Gashay Culeys Fara Badan Wey Oraday Qolkeeda ayey Hoosta Ka Xeratay Ooyin ayey Dhulka Iskula Garaacday Waxa ay Is Weydiisay Waxa uu Galabsaday Qabiilka ay Kasoo Jeedo, Waxa uu Haleeyey,iyo Sababta uu Sidaa Ugu Sameeyey Ninkii Jecleyd.

Saacado Kadib Ayey Is Heyn Weyday Waa Beer Wax Jecel Waxa y Aady Branch Si ay u Wacdo Wiilka ay Jeceshahay Nasiib Daro Telka Wuu ka Dansan Yahay, Dhowr Mar ayey Ku Celcelisay Balse Nasiib uma Yeelan in ay Hesho, Habeenkii Murug ayey Ku Seexatay Waxa ay Ka Walwalsaneyd Waxa ay La Kulmi Doonto iyo Mustaqbalka Jaceylkeeda Halka uu Sal Dhigan Doonto.

Saciid Habeenkii Dambe ayuu Soo Wacay Gacalisadiisa Sahra Waxa uu u Sheegay in uu Ka Baxay Dhamaan Balamadii ay Lahaayeen Sabab La Xariirta Qabiilka ay Tahay oo uu Ugu Sheegay in Aysan Is Guursan Isla Markaana ay Raali Ka Ahaato Waxa uuna Kadis Kaga Dansaday Telkii Balse Sahra Waxa ay Iska Gashay Ooyin Waxaana Halkaa Ku Burburay Jaceylkii Mudada Dheer Lasoo Lisayey ee Dhibada Loo Aasayey.

Balse Waa Su,aale Guurka Iyo Qabiilka Kee Muhimsan?

F,G Dhamaan Aqristayaasha Ku Xeran Sheekooyinka Aan Qoro Waxa aan u Sheegaya in Magac-yada Ku Jira Sheekooyinka aan Qoro In Aysan Aheyn Kuwa Dhabta ah ee Lamaanaha aan Ka Sheekeynayo Balse Waa Magac u Yaal aan Sheekada u Sameeyey Balse Sheekooyinka Dhamaan Waa Sheekooyin Dhab ah oo Dhacay.

Qoyska wanaagsan kaalinta Aabuhu ku leeyahay

waa markale iyo barnaamijkii arimaha bulshada oo aad nooga barateen todobaadkasta inaan idiin ku soo gudbino shakadan casriga ah ee Camuudnews.Barnaamij keenan todobaadka waxaynu ku soo qaadan doonaa kaalinta Aabuhu kaga jiro qoyska wanaagsan. Waa maxay macnaha uu ku fadhiyo Aabo maxaase looga baahan yahay ?
Aabuhu waa lafdhabarka reerka, masuulka reerka iyo hogaanka qoyska waxana uu qayb laxaadleh ka qaataa barbaarinta u badkisa iyo daryeelka xaaskiisa,
Waxa looga baahan yahay Aabaha in uu caruurtiisa saxiib la noqdo markasta oo uu ka war hayo xaaladkasta oo la soo darista maxaa yeelay waxa jira dhibaatooyin badan oo la soo darsi kara awlaada ha ahaato xaga tacliinta ama la dhaqanka bulshada sababtoo ah waalidka xidhiidhka ubadkisa dayaca waxa uu la kulmi karaa isfahamwaa kaga imanaya caruurtisa taasina waxay keeni kartaa dhib ku yimaada qoyska.
Hadaba Aabuhu waa inuu ka warhayaa schoolka caruurtisa macalimiintana xidhiidh joogta ah layeesha uuna ogaadaa cida uu ilmihiisu la saaxiibyahay yaanu Aabuhu ku sii dayn ubadka iyo reerka masuulkiisa hooyada oo qudha oo isaguna ka soo baxaa kaalinta Aabanimo yaanu is odhan hooyada shaqadeeda weeyi in ay cunada kariso dharka dhaqdo ubadka koriso balse waa in uu Aabuhu kala qaybqaataa dhamaan wixii ku saabsan arimaha qoyska yaanu is odhan aabuhu hadaad caawiso xaaskaga waxay bulshadu kuu arki nin doqon ah ama waxay soomalidu tidhaahdo (qorqode) waxaasi waa caado soomali in loo arko doqon Aabe qoyskiisa wax u qabanaya waxaa nabigeena (scw) ka mid ahaa dabeecadihiisii suubana inuu caawin jiray haweenkiisa markuu guriga joogo markaa aabaha soomaaliyeed ma waxa uu fiirinayaa dhaqankii hore ee soomaliyeed mise in uu raaco astaamihii Nabigeena scw uu kula dhaqmi jiray xaasaskiisa marka uu guriga joogo, markaa waa in uu aabaha soomaliyeed uu iska ilaaliyo ad adayga iyo qalafsanaanta uuna u dabacsanaado xaaskiisa kana faraxsiiyo had iyo jeer markaas ayuu noqonayaa aabe fiican oo bulshada magac wanagsan kuleh qoysaskuna ku dayan karaan.
Aabaha xun ee masuuliyada qoyskiisa dayaca
Aabaha masuuliyada reerkiisa iyo ubadkiisa intuu dayaco yidhaahda aniga waxa la iiga baahan yahay oo kaliya masruufka reerka iyo dhaqaalaha, lakin masuuliyada caruurta iyo xanaanaynta qoyska waxaa masuul ka ah hooyada waxaan anuu leeyahay taas aad iyo aad ayay ugu qaldan yihiin aabayaasha sidaa yidhaahda waxaan leeyahay hooyo iyo aabe waa u siman yihiin masuuliyada qoyskooda hadii guriga aabaha uusan inta badan joogin caruurtii waa ay dayacmayaa waayo aabaha ayay ka baqaan hadii uu aabuhu ka war hayn wayo had iyo jeer qoysku kala danbayn iyo nidaamaka ayaa daciifaya ,Waxaan ogsoonahay in uu wiilasha intooda badani ay ka baqaan aabaha ,oo hooyadu markasta ay u beer jilicsantahay awoodna u lahayn cadaadiska ubadkeeda lakin aabuhu waxa uu Ilaahay awood u siiyay maamulka iyo maaraynta reerkiisa,
Aabaha aan ka war hayn caruustiisa iyo xaaskiisu waa dayuus nabigeenu scw waxa uu ku tilmaamay(Adayuus man laa qiirata leh) kalmada dayuus waa nin inta uu Ilaahay siiyay ubad iyo reerba hadana ka war haynin waxa ka socda iyo xalada ay ku sugan yihiin kana qiiroonin xumaanta ay ubadkiisu ku kacaan sida wiilashiisii oo balwad bartay aan ka damqan ama khamrada gabdhihiisii oo is qaawinaaya ku tilmaama waa fashion oo duniday la socdaan kuwaas ayaa aad ugu batay umada soomaaliyeed ha joogaan wadanka gudahiisa ama dibadiisee ,hadaba hadii uu aabihii masuuliyadiisii dacayo Ilaahay ka saray reerkiisa hooyo kaliya wax qaban kari mayso maxaa yeelay waxaa jirto waxyaabo ayna hooyadu awood u lahayn inay ka qayb qaadato sida shaqooyinka dibada ee aabahu karaayo , waxaan ku soo koobayaa hadalkayga aabuhu waa hogaanka umada iyo qoyska hadii uu wanaajiyo daryeelkooda waxay noqonayaa ummad toosan hadii uu dayacana waxaynoqodayaan ummad buburtay oo aan jirin markaas waxaan leeyahay noqda aaboyaal xil iska saara umadooda iyo qoysaskoodaba
Wariyahay arimaha bulshada.

Aqri Nolasha Waa u Muhiim E' Habeenka Koowaad Ee Gogasha Iyo Dhalinta Qaar Maxaa Kala Heysta

Habeenka koowaad ee gogosha waa habeenka ugu horeeya ee Seyga iyo xaaskiisu ay noloshooda modeynayaan isla markaana jirkoodu isku tagaayo.

Waa bilowga nolosha labada isqabtaa waxaana habeen aan la ilaawi Karin gaar ahaan gabdhuhu aysan ilaawin inta noloshooda ah.

Cabsida habeenkaasi koowaad uu leeyahay ayaa inta badan sababta in xad-gudubyo qoyska dhib ku keeni kara waxaana xadgudubyadaasi ay ka dhacaan labada qof ee noloshaasi ku cusub.

Website-ka jaceylka.com oo shaqadiisu tahay wacyi galinta dhalin yarada nolosha ku cusub ayaa idin soo gudbinaya war bixino badan oo arimahaani la xiriira iyadoon meesha laga saareynin anshaxa umada soomaaliyeed iyo ilaalinta xad gudubyo lagu geysto xaga qoraalka.

Ka hor galmada Maxaa loobaahanyahay ? maxayse tari karaan waxyaabahaasi lagama maarmaanka ah?

Marka ugu horeysa u dhawoow xaaskaaga amaan qurudeeda, sharafteeda, dhunkashadana u badi,ha u muujin cabsi iyo inaad ka xishooneyso waayo iyana markaas way xishooneysaa.

Ogow dumarka kalmada macaani waysaameysaa waana jecel yihiin oraahda macaan waliba maahan halmar ee dhowr jeer.

Raga qaar baa jira howsha la soo booda ood moodo in dagaal ay ku jiraan is daji, ogow dumarku soo boodada ma jecla waa ayna ka baqaan mararka qaar.

Dumarku waxay heystaan masawir cabsi leh oo ku saabsan habeenka ugu horeysa waayo waxaa ay ka dhageystaan saaxiibadooda howshan kaga horeeyay oo laga yaabo in ay cabsi galiyaan una sheegaan in habeenkaasi uusan sahlanayn sidaa darted isku day in qaab dagan aad ula macaamisho.

Taa taabashada iyo raaxeysigu waa albaabka laga galo howsha u taala labada qofood ee gogosha wadaagaya.

Urinta:in la is carfiyo waa qeyb kamida soo jiidashada howshaas waana ay qurxisaa gogosha, waxaa jiri kara barafuuno laga yaabo in labada qofoodba aysan jecleyn sidaa daraadeed ogow barafuunka ninkaagu jecelyahay isana kay jeceshahay ha ogaado.

Maqalka:Codka macaan e xam xamta ah ee ereyada u qalma lagu leeyahay waa qeyb fir fircoon oo howshaasi xoojinaysa.waliba ninku waxaa uu jecelyahay in ereyadaasi uu xaaskiisa ka maqlo iyadoo waliba afkeeda u dhaweynaysa dhagtiisa sida macaane,Aloow iikaadeyso,iyo ereyo lamid ah.

Aragtida:Qurxinta Sariirta iyo carfinteeda waa muhiim waxaa kale oo muhiim ah dharka ay habeenkaasi xiranayso xaasku ka hor inta aan sariirta la isugu imaan.

Taabashada:in la isi salaaxo waa qeyb muhuum ah waliba waxaa jira kareeno jirka lamariyo kahor taataaabashada ,waxaa jira meelo dumarka dareenkoodu ka kaco sida:Dhagaha hoostooda,Xabadka,labada bushimood,Xubnaha hoose,qoorta,iyo meelo badan oo qaarkood ay jecelyihiin balse inaad waydiisaa ay tahay.

Waxyaabo habeenka koowaad muhiim u ah labadda qof

Mahaboona in habeenka koowaad ay u ekaato sidii kufsi oo kale,waxaa roon oo dad badani xal u arkaan in habeenkaas galmada dib loodhigto lagana dhigto habeenka xiga si habeenka koowaad cabsida meesha looga saaro,iyo in la isku xasilo lana isfahmo.

Shumiska ayaa la rabaa habeenkaasi uu noqdo hadiyad aan dhamaad lahayd oo labada qof isku dirayaan.ogowna marka howshu dhamaato ninka waxaa horay ka qabata hurdo sidaa darted in ay xaaski seexiso sida dhalaankeeda waa muhiim waana waxyaabaha soojiita raga.

khabiirad nasriin basmawi oo ka hadashay raashinka Nooca dareenka dumarka Xoojiya


Nasriin Basmaawo oo ah khabiirad ku taqasustay Quudinta dumarka ayaa ka hadashay arimo badan oo laxiriira xaga dumarka iyo waxyaabaha dareenkooda dili kara ama wax ku taraya.
Drs Nasriin ayaa sheegtay in ay jiraan wax yaabo badan oo dumarku isticmaalaan kuwaasi oo hoos u dhigi kara dareenkooda waxaana ka mida qaar kamida daawooyinka la qaato ama kuwa la iku qurxiyo.
Khabiirada ayaa sheegtay in wax yaabahaasi qaarkood aysan wax yeeleyn dareenka ee xitaa ay waxyeelo soogaarsiiyaan Jirka intiisa kale.

Miss Nasriin ayaa sheegaty in uu jiro raashiin haweenka ka caawiya dareenka waxaana ay sheegtay in ay kamid yihiin sida qudaarta cagaaran oo kale .Sida Bagalka,Ansalaatada,karootada,toonta,basasha, iyo kuwo kale oo badan,halka sidoo kale xaga cabitaanka ay sheegtay Qaxwada, Chocolate-ka oo qandac ah,caanaha.

Haweeneydaan ayaa intaasi ku dartay in waxaasoo dhan ay u baahanyihiin qiyaas balse aysan ahayn in laga badiyo sidii loogu talagalay maxaayelay ayeey tiri hadii jirku kabato dufanku waxaa uu yareeyaa Hormones-ka kolkaasna shaqadii looga baahnaa maqandoonaan